
Maxay ka wada-hadleen Xasan iyo Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida ee Jabuuti?
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la yeeshay Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Jabuuti, General Sakaria Sheekh Ibrahim, iyo saraakiil sare oo la socday, kuwaas oo haatan booqasho ku joogo magaalada Muqdisho.
Kulanka oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Qaranka aya diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga amniga, isku-dubbaridka hawlgallada iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, waxaana goobjoog ahaa Taliyaha Xoogga Dalka iyo saraakiil kale.
Sidoo kale, kulanka Madaxweynaha iyo Taliyaha Ciidanka Jabuuti ayaa lagu adkeeyey xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyada oo Madaxweynaha uu uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan taageerada amniga, la dagaallanka argagixisada iyo dib u dhiska hay’adaha amniga Soomaaliya.
Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa magaalada Muqdisho u yimid ka qaybgalka shirka taliyeyaasha ciidamada ee dalalka ka qaybta ah hawlgalka taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), oo Jabuuti ay ku jirto.
Dowladda ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday kulamo iyo wada-tashiyo joogto ah oo ay la yeelanaysay waddamada saaxiibka la ah Soomaaliya si loo mideeyo dadaallada lagu xaqiijinayo amni waara iyo in ciidamada Soomaaliyeed ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda sugidda amniga dalka.
Jabuuti ayaa ka mid ah dalalka ugu dhow Soomaaliya dhinaca iskaashiga amniga iyo difaaca, waxaana ciidamadeedu qayb ka yihiin hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, oo billowday sanadkii 2025, kana dambeeyay hawlgalkii ATMIS.
Ciidamada Jabuuti ayaa muddo dheere ka howlgalaya gobollo ka tirsan dalka, iyagoo door muuqda ka qaata sugidda amniga, taageeridda ciidamada Soomaaliyeed iyo hawlgallada lagu beegsanayo Al-Shabaab.
Sidoo kale, Jabuuti waxay Soomaaliya ka taageertay tababarka ciidamada, is-dhaafsiga xogaha sirdoonka iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga iyo difaaca.






0 


Maxay ka wada-hadleen Xasan iyo Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida ee Jabuuti?
.