DF iyo Shiinaha oo kala saxiixday heshiis ku kacaya…

0
Tuesday August 04, 2026 - 13:16:18 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 82
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DF iyo Shiinaha oo kala saxiixday heshiis ku kacaya…

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta heshiis cusub la saxiixatay dowladda Shiinaha oo kamid ah dowladaha waa wayn ee taageera Soomaaliya, kaas oo ku kacay 15 milyan oo Yuan-ka Shiinaha ah, una dhiganta qiyaastii 2.1 milyan oo dollarka Mareykanka ah.Heshiiskan oo ku qotoma mashruuc gargaar ah oo ay Dowladda Shiinaha ku taageereyso Soomaaliya ayaa waxaa wada saxiixay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Muqdisho Mudane Wang Yu.

Mashruucan ayaa si gaar ah loogu talagalay in lagu caawiyo dadka nugul ee ay saameeyeen xaaladaha bani’aadannimo, iyadoo gargaarkan la gaarsiin doono deegaannada ugu baahida badan dalka, si loo xoojiyo dadaallada gurmadka iyo taageerada bulshada.

 

Safiirka Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu, ayaa saxiixa kadib sheegay in dowladdiisa ay sii wadi doonto garab istaagga iyo taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada gargaarka bani’aadannimo iyo xoojinta iskaashiga labada dal.

Dhankiisa Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa uga mahadceliyay dowladda Shiinaha taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadaallada lagu caawinayo dadka nugul.

Guddoomiyuhu waxa uu sidoo kale tilmaamay in SoDMA ay sii wadi doonto la shaqeynta saaxiibbada caalamiga ah si loo helo taageero waarta oo lagu xoojinayo u diyaargarowga iyo ka jawaabista musiibooyinka, loona hubiyo in gargaarku si hufan oo caddaalad ah u gaaro dadka ugu baahida badan.

 

Si kastaba, Heshiiskan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Shiinaha ay ku xoojinayaan iskaashiga dhinacyada gargaarka bani’aadannimo, horumarinta bulshada iyo taageeridda shacabka Soomaaliyeed ee wajahaya xaaladaha adag.

Waxaa sidoo kale la filayaa in mashruucani uu gacan ka geysto yareynta saameynta dhibaatooyinka bani’aadannimo iyo kor u qaadista rajada bulshada nugul ee ku nool deegaannada ugu baahida badan dalka.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip