
Natiijada doorashadii golayaasha deegaanka iyo wakiillada ee Galmudug oo la shaaciyay
.
-Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Qaranka C/kariin Axmed Xasan ayaa galabta kaga dhawaaqay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudud natiijada doorashadii golayaasha deegaanka iyo wakiillada ee Galmudug kuwaasoo ka dhacay deegaanada kala duwan ee Galmudug.
Gudoomiyaha wuxuu xusay in doorashooyinku ka dhaceen 11 Degmo oo ka tirsan labada Gobol ee uu ka kooban yahay Maamulka Galmudug,ururada tartamayay waa 16 , tirada dadka codeysay waa 197,971, (boqol sagaashan iyo todoba kun, sagaal boqol todobaatan iyo kow ) balse codadka ansaxa ah waxay noqdeen 191,504 (boqol sagaashan iyo kow kun shan boqol iyo afar), sidoo kale codadka xumaatay waxay noqdeen 6467, wadarta guud 247 kursi ayaa loo tartamay.
Ururka Siyaasaddeedka JSP oo ah Xisbiga Madaxweyne Xasan ayaa guul weyn ka gaaray doorashada Golaha Wakiillada Galmudug waxayna heleen 63 kursi xili guud ahaan kuraasta lagu tartamayo ay yihiin 89 kursi, sidoo kale Urur Siyaasadeedka Towfiiq ayaa helay 12kursi halka Sincad uu helay 6 kursi.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Video Player
00:00
06:53


0 



Natiijada doorashadii golayaasha deegaanka iyo wakiillada ee Galmudug oo la shaaciyay
.