Dab xooggan oo ka kacay Dooni ay la socdeen Tahriibayaal

0
Tuesday August 04, 2026 - 14:05:07 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 61
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dab xooggan oo ka kacay Dooni ay la socdeen Tahriibayaal

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wararka laga helaayo Dalka Britain ayaa sheegaya in dooni ay la socdeen koox tahriibayaal ah uu dab ka kacay xili ay ka timaadeen dhanka Faransiiska islamarkaana doonayeen inay u talaaban dhanka dalka Britain.

Matoorka doonta ayaa dab qabsaday xili ay tahriibayaashu ka sii gudbayeen Kanaalka badda Dalka Britain waxana la soo warinayaa in dhamaan dadkii saarnaa doonta oo ahaa 157 ruux ay wada badbaadeen, mana la soo sheegin wax dhimasho ama dhaawac ah.

Tahriibayaashii marka la soo bad baadiyay ayaa loo gudbiyay goob caafimaad oo ku taal dhanka dekedda Boulogne-sur-Mer si caafimaadkooda loo ogaado.

Inta badan shilalka ka dhasha doomanka ay la socdaan tahriibayaasha ayaa waxaa ka dhasha dhimasho badan gaar ahaan marka ay quusto doontu ka hor inta aysan gaarin halkii hamigoodu ahaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip