
Puntland oo sheegtay in ay qabatay agab ciidan oo ka yimid dhanka Galmudug
War ka soo baxay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Mudug ayaa lagu sheegay in gaariga oo sumaddiisu tahay WQ 713 uu ka yimid dhanka maamulka Galmudug, isla markaana muddo ay ciidamada ammaanku la socdeen dhaq-dhaqaaqiisa, ka hor inta aan howlgal lagu soo qaban.
Booliska Puntland ayaa sheegay in baaritaanno ay socdaan si loo ogaado cid kasta oo ku lug lahayd rarista iyo gudbinta dareyska ciidamada.
Dhanka kale, ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay gaari uu waday nin la sheegay inuu ku jiray xaalad sakhraannimo, kaas oo gudaha xaafadda Israac ee magaalada Gaalkacyo ku jiiray qof shacab ah, islamarkaana isku dayay inuu goobta ka baxsado.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, G/Sare Maxamuud Muuse Bille (Farda-fuul), ayaa ugu baaqay shacabka Gaalkacyo inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka si loo adkeeyo nabadgelyada, isagoo digniin u diray dadka ku lug leh falalka amni-darrada.
Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ay weli taagan tahay xiisad u dhexeysa ciidamada Puntland iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Gaalkacyo.


0 




Puntland oo sheegtay in ay qabatay agab ciidan oo ka yimid dhanka Galmudug
.