
DF oo si adag u cambaareysay weerarka lagu qaaday Masjidka Al-Aqsa
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in tallaabadan ay tahay xadgudub weyn oo ka dhan ah xurmada mid ka mid ah goobaha ugu barakeysan Islaamka, isla markaana ay meel ka dhac ku tahay dareenka Muslimiinta caalamka.
Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday beesha caalamka iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay ka hortagaan falalka noocan ah, isla markaana la hubiyo in cid kasta oo ku xadgudubta shuruucda caalamiga ah lala xisaabtamo.
Sidoo kale, Soomaaliya waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay muujiyaan xasillooni, ayna raadiyaan wada-hadal dhab ah oo lagu gaaro nabad waarta oo ku saleysan shuruucda caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sheegtay inay garab taagan tahay shacabka Falastiin iyo rabitaankooda sharci ee ah inay yeeshaan dowlad madax-bannaan.
Soomaaliya waxay mar kale taageertay xalka laba dowladood, iyadoo ku tilmaantay inuu yahay waddada ugu macquulsan ee lagu gaari karo nabad, amni iyo xasillooni waarta oo ka dhalata Bariga Dhexe.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku celisay inay ka go’an tahay ixtiraamka sharciga caalamiga ah, ilaalinta madaxbannaanida dhuleed iyo in khilaafaadka lagu xalliyo hab nabadeed.


0 




DF oo si adag u cambaareysay weerarka lagu qaaday Masjidka Al-Aqsa
.