
Madaxweynaha Soomaaliya oo furay Kalfadhigga 8-aad ee BF + Sawirro
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaddib kulan wadajir ah oo ay Xildhibaanada Labada Aqal ku yeesheen xarunta Villa Hargaysa.
Ugu horreyn Madaxweynaha ayaa bogaadiyey Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka, isaga oo ku ammaanay doorka wax ku oolka ah ee ay ka qaateen dowlad-dhiska dalka, xoojinta isla xisaabtanka hay’adaha dowladda, horumarinta sharciyada muhiimka u ah qaranka iyo matalaadda danaha shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa iftiimiyey horumarka laga gaaray geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka, isaga oo adkeeyey sida ay dowladda uga go’an tahay hirgelinta doorashooyin toos ah oo ku dhisan rabitaanka shacabka, si loo xaqiijiyo hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay, laguna xoojiyo dowladnimada iyo ka qaybgalka muwaadiniinta.
Furitaanka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kusoo aaday, iyada oo ay jiraan caqabado siyaasadeed oo waaweyn, kuwaas oo la xiriira sharciyadda kalfadhiga sannadka dheeraadka ah. Arrintan ayaa sii xoojisay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan hay’adaha federaalka.









0 



Madaxweynaha Soomaaliya oo furay Kalfadhigga 8-aad ee BF + Sawirro
.