Wararkii ugu dambeeyay dagaal xoogan oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

0
Saturday August 01, 2026 - 14:05:07 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 77
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay dagaal xoogan oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus uu saakay ka dhacay nawaaxiga deegaanka Suullaay ee bariga Gobolka Hiiraan, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay weerareen saldhig ay halkaasi ku leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisley.

Ciidamada ayaa toddobaadkii hore dagaal ku qabsaday saldhiggaasi, iyagoona sii waday gulufka uu qorshuhu yahay in ay kula wareegaan deegaankaasi oo 17km jihada koonfureed uga beegan deegaanka Teedaan oo hoostaga Degmada Maxaas.

Wararka ayaa sheegaya in Shabaabku ay dhowr jiho ka weerareen saldhigga ay ciidamadu ku leeyihiin inta u dhaxeyso Suullaay iyo Teedaan, isla-markaana uu halkaasi ku dhex maray dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday.

Warbaahinta ku hadasha afka Al Shabaab ayaa sheegtay in Shabaabku ay qabsadeen saldhig ku yaala duleedka Teedaan, sidoo kalena ay ciidamadu ka furteen gaari Cabdi Bile ah.

Saraakiisha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan furimaha hore ee bariga Gobolka Hiiraan ayaa kuu sheegaya in ciidamadu ay si weyn isaga caabiyeen weerarkaasi, isla-markaana ay fashiliyeen isku daygii maleeshiyada ay ku dooneysay in ay kula wareegto saldhigga ay ciidamada ka sameysteen meel u dhow deegaanka Suullaay.

Warbaahinta ayaa fahamsan in Shabaabku ay damacsan yihiin inay fashiliyaan istiraatiijiyadda dagaalka ee ay ciidamada ku kala jarayaan gurmadka iyo sahayda maleeshiyada ee Degmooyinka Maxaas iyo Moqokori.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ayaa hawlgal midkani oo kale ah ka wada agagaarka deegaanka Yasooman oo hoostaga Degmada Buuloburde, waana deegaan muhiim u ah isu socodka gobolka, wuxuuna isku xiraa Degmooyinka Buuloburde, Moqokori iyo Maxaas.

Shabaabka oo ku mintidaya gacan ku haynta deegaanka Yasooman ayaa xalay tiro hoobiyeyaal ah ku weeraray Buuloburde.

Shabaabka ayaa Talaadadii maleeshiyaad cusub keenay Degmada Moqokori, ka dib markii ay ka soo gudbeen xadka Gobolka Hiiraan uu la wadaago Gobolka Shabellaha Dhexe.

Shabaabka oo dareensan in uu culeys weyn ka soo fuulay hawlgalka ka socda gobolkaasi ayaa dhankooda wada dhaqdhaqaaqyo ay ku xakameynayaan gulufka, si ay u sii haystaan deegaanada ay ka maamulaan bariga gobolkaasi.

 

xigasho:-dhacdo.com

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip