Booliska Itoobiya oo xiray 17 tuhmanayaal ah oo ku eedeysan tahriibinta dadka

0
Wednesday July 22, 2026 - 17:55:57 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 64
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Itoobiya oo xiray 17 tuhmanayaal ah oo ku eedeysan tahriibinta dadka

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
Booliska dowladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in la xiray 17 qof oo lagu tilmaamay dad "dadka tahriibiya oo halis ah”, kuwaas oo lagu eedeeyay inay mas’uul ka yihiin dhimashada "in ka badan 60” muhaajiriin ah iyo kufsiga "dhowr haween ah.”

 

 

Sidoo kale wuxuu shaaciyay in dadkan laga shakisan yahay, oo lagu eedeeyay inay geysteen "falal bahal nimo ah oo ka dhan ah bini’aadantinimada” oo loo gaystay qaxootiga Itoobiya ee ku sugnaa Yemen, isla markaana ay dhibbanayaasha ka qaateen "in ka badan 1 bilyan oo birr.”

 

Booliska Itoobiya ayaa bayaan uu shalay soo saaray ku sheegay, in kooxdan ka ganacsiga dadka uu hoggaaminayo nin lagu magacaabo "Mohammed Tahir Aden”, oo sidoo kale loo yaqaan "Werdi”. Waxa kale oo uu baahiyay sawirrada 17-ka nin ee la xiray, oo uu ku jiro ninkan laga tuhunsan yahay.

 

Boolisku wuxuu sheegay in dadkaasi lagu soo qabtay "kormeer iyo baaritaanno xooggan” oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Cadaaladda, Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka, iyo hay’ado kale oo ay khusayso.

 

Bayaanka Booliska Federaalka laguma caddeyn goorta ama goobta saxda ah ee dadkaasi lagu xiray.

 

Jaylan Abdi, oo ah madaxa Waaxda Warbaahinta iyo Isgaarsiinta ee Booliska Federaalka, ayaa u sheegay BBC-da in "howlgalka” lagu qabtay dadkan laga tuhunsan yahay uu "socday 15-kii maalmood ee la soo dhaafay.”

 

Wuxuu intaas ku daray in dadkaasi laga soo qabtay meelo kala duwan oo dalka ah, oo ay ku jiraan magaalada Addis Ababa iyo deegaanka Harari.

 

Bayaanka Booliska Federaalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in, markii la xiray tuhmanayaasha kadib, la diyaariyay gal dacwadeed ku saleysan "caddeymo markhaatiyeed iyo dukumeenti”, kadibna loo gudbiyay Wasaaradda Cadaaladda.

 

Kooxdan, oo uu hoggaaminayo "tahriibiyaha halista ah” Maxmed Tahir Aden, ayaa lagu eedeeyay inay dadka u tahriibin jireen Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Muhaajiriinta ayaa la sheegay in laga soo qaadi jiray bariga Itoobiya, iyagoo sii maraya Jabuuti iyo Yemen.

 

Sidoo kale waxaa lagu sheegay in muhaajiriinta laga soo ururin jiray meelo kala duwan oo Itoobiya ah iyada oo loo marayo "dillaaliin”. "Tuhmanayaashu waxay maamulayeen shabakad tahriibinta dadka ah, iyagoo ku qancinayay dhibbanayaasha inay Yemen sii maraan si ay u galaan Sacuudi Carabiya, iyagoo u ballanqaadaya nolol ka wanaagsan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

 

Sida uu sheegay Booliska Federaalka, muhaajiriinta Itoobiya waxay la kulmeen ” falal bahal nimo ah” markii ay xadka ka gudbeen. Waxaa lagu sheegay in loo qaaday Yemen, laguna hayay bakhaarro si gaar ah loogu dhisay, halkaas oo loogu geystay tacaddiyo aad u daran oo ka dhan ah bani’aadantinimada.

 

Wuxuu sheegay in falalkan ay "si sharci darro ah ugu heleen in ka badan 1 bilyan oo birr”, isla markaana ay "si sharci darro ah u tahriibiyeen in ka badan 40,000 oo qof.”

 

"Baaritaanku wuxuu muujiyay in in ka badan 60 qof la dilay, isla markaana haween dhowr ah la kufsaday,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in tuhmanayaashu ay mas’uul ka yihiin dhimashada muhaajiriintaas.

 

Wuxuu sidoo kale sheegay in Booliska Federaalka ay heleen muuqaalloay soo direen markhaatiyaal ku sugan Sacuudi Carabiya iyo Itoobiya” kuwaas oo la xiriira falalkaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip