
Cameroon iyo Gabon oo ku Baaqay in la soo Afjaro Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya
Labadan dal oo xubno ka ah Midowga Afrika ayaa sheegay in aan la sii wadi karin kharashaadka culus ee ku baxaya ciidamada nabad ilaalinta, waxayna su’aal geliyeen inta muddo ee Afrika awoodi karto inay sii maalgeliso howlgalka Soomaaliya.
Hadalkan ayay ka jeediyeen shir degdeg ah oo ay yeesheen la-taliyeyaasha militariga ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika.
Cameroon iyo Gabon ayaa sidoo kale ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay isu diyaariso maalinta ay ciidamada shisheeye ka baxayaan dalka, iyagoo xusay in Soomaaliya ay tahay inay la wareegto mas’uuliyadda amnigeeda, sida lagu daabacay The East African.
Hadalladan ayaa imanaya xilli ay sii yaraanayaan dhaqaalaha ay bixiyaan deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ee lagu taageero howlgalka AUSSOM, taasoo dhalisay dood ku saabsan mustaqbalka howlgalada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika.


0 




Cameroon iyo Gabon oo ku Baaqay in la soo Afjaro Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya
.