PSF oo Puntland ku eedeysay in dagaalka ay u adeegsatay Diyaarado Drones ah

0
Wednesday July 22, 2026 - 14:48:50 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 64
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    PSF oo Puntland ku eedeysay in dagaalka ay u adeegsatay Diyaarado Drones ah

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
Ciidamada PSF ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadlay dagaalkii ka dhacay deegaanka Laag ee duleedka magaalada Boosaaso, iyagoo ku eedeeyay maamulka Puntland inuu u adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn (drones) weerarkii lagu qaaday ciidamadooda.

Sarkaal sare oo ka tirsan PSF ayaa u sheegay BBC-da in ciidamada PSF ay ka tirsan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed isla markaana ay hoos yimaadaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Wuxuu sheegay in mas’uuliyadda difaaca qaranka ay u taallo Dowladda Federaalka, halka dowlad-goboleedyaduna ay leeyihiin awoodda ciidamada booliiska oo keliya.

Dhanka kale, Taliska Ciidanka Puntland ayaa horay u shaaciyay inay soo afjareen howlgal ka dhan ahaa ciidamada PSF, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay khalkhal gelinayeen amniga Puntland.

Puntland ayaa sidoo kale soo bandhigtay gaadiid dagaal iyo maxaabiis ay sheegtay inay ku qabatay dagaalka.

Hadallada iska soo horjeeda ee labada dhinac ayaa imanaya iyadoo xiisadda u dhexeysa Puntland iyo ciidamada PSF ay sii xoogeysaneyso, isla markaana aan weli la shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalladii ka dhacay deegaanka Laag.

Xigasho:0radiorisaala.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip