Sheekh Cali Wajiis "Anigu ma dhihin Beesha Biyamaal halagu duulo"

0
Tuesday July 21, 2026 - 13:29:31 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 92
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Cali Wajiis "Anigu ma dhihin Beesha Biyamaal halagu duulo"

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa si weyn u beeniyay warar sheegaya inuu dhawaan baraha bulshada ka sheegay inuu ku baaqay in la laayo Beesha Biyamaal markii uu ka hadlayay xiisad ka taagan Gobolka Shabeelaha hoose.

 
Shiikha oo sheegay inuu kaliya Dowlada ugu baaqay inay walaalaha kala dhex gasho balse ay been tahay inuu isagu beel hala laaayo yiri.
 
Qoraalka Sh.Cali Wajiis oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-
 
Si Xun wax u Sheeg Sixir ka daran ayey Soomaalidu tiraa.
Xaashaa lilaah
Anigu ma dhihin BIYAMAALhalagu duulo ee Waxaan dhahay dowladdu Amniga Shabeelada Haase oo Colaado Qabaa,il ka socdaan Warar Dhiiladeysanna hawada leesu marinaayo wax haka qabato inteysan Cadawga Soomaaliyeed ka faa,iideysan. oo aan lagusoo ganban Kacdoonada Maleeshiyaadka.
 
    Mana ku gaaryeelin Qabiilka Biyamaal balse waxaan Sheegay kuna Celinaayaa in Qabaa,ilka kale ee u Hanjabaaya Biyamaal ee Hiraab oo aan kasoo jeedo iyagana dowladdu Tilaab ka qaado dhamaantood Amaankana lagu Xasiliyo Awoodda dowladda oo kaliya.
 
     Hubkana dowladdu gacanta ku Heyso wixii leesku heestana Dowladdu ka gar naqdo.
Lagana Gudbo Maleeshiyaadka Qabiil oo khatar ku ah Nadaamka Dowladnimo iyo wada noolaanshaha umadda.


Sheekh Cali Wajiis



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip