DF oo garab istaag wayn u muujisay Aljeeriya kadib dhacdadii…

0
Monday July 20, 2026 - 18:47:49 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 57
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DF oo garab istaag wayn u muujisay Aljeeriya kadib dhacdadii…

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay dab qabsaday xarun lagu xanaaneeyo carruurta agoonta ah oo ku taalla degmada Al-Mohammedia ee caasimadda dalka Aljeeriya.

Bayaan kasoo bxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa tacsi tiraanyo leh loogu diray shacabka iyo dowladda Aljeeriya, maadaama uu dabka gaystay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur xooggan.

"Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka ee Aljeeriya, hoggaankeeda, dowladdeeda iyo shacabkeeda, kaddib dabkii ka kacay xarun lagu daryeelo carruurta oo ku taalla degmada Mohammadia ee magaalada Algiers, kaas oo sababay dhimashada dhowr carruur ah iyo dhaawaca tiro kale,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Soomaaliya ayaa si gaar ah farriin ugu dirtay waalidiinta iyo ehellada carruurta ku geeriyootay dhacdadaas, iyadoo Alle uga bariday inuu samir iyo iimaan ka siiyo, marxuumiintiina uu naxariistiisa janno ku mannaysto.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka ayaa xilligan adag garab istaag buuxa u muujisay dowladda Aljeeriya, iyada oo sheegtay inay la qayb-saneyso murugada.

"Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay garab taagan tahay walaalaheeda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka ee Aljeeriya xilligan murugada leh, iyadoo tacsi iyo murugo la wadaagaysa qoysaska iyo ehellada ay carruurtoodu ku geeriyoodeen masiibadaas,” ayaa lasii raaciyay bayaanka.

Ugu dambeyn Dowladda Federaalka ayaa Jamhuuriyadda Aljeeriya iyo shacabkeeda u rajaysay nabad, amni iyo xasillooni waarta.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip