
Soomaaliya oo doonaysa inay ballaariso iskaashiga ganacsi ee kala dhexeeya Brazil
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay doonayso inay xoojiso xiriirka ganacsi iyo iskaashiga dhaqaale ee kala dhexeeya Brazil, iyadoo diiradda la saarayo kordhinta ganacsiga tooska ah ee u dhexeeya shirkadaha labada dal.
Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya Brazil, Cumar Maxamed, ayaa sheegay intii uu booqanayay Rugta Ganacsiga Carabta iyo Brazil (ABCC) ee magaalada São Paulo in Soomaaliya ay doonayso in la yareeyo ku tiirsanaanta shirkadaha dhexdhexaadiya badeecadaha, si loo fududeeyo ganacsiga tooska ah ee labada waddan.
Safiirku wuxuu soo jeediyay in la qabto kulan ay yeeshaan Rugta Ganacsiga Soomaaliya, Rugta Ganacsiga Carabta iyo Brazil iyo ganacsatada labada dhinac si loo abuuro fursado maalgashi iyo iskaashi.
Wuxuu xusay in inta badan digaagga laga isticmaalo Soomaaliya uu ka yimaado Brazil, balse loo soo maro dalal iyo shirkado kale, taas oo sare u qaadda kharashka iyo waqtiga keenista badeecadaha.
Sida xogta Rugta Ganacsiga Carabta iyo Brazil muujinayso, Brazil ayaa sannadkii 2025 Soomaaliya u dhoofisay badeecooyin qiimahoodu gaarayo 126 milyan oo doolar, kuwaas oo u badan sonkor iyo hilib digaag, halka Soomaaliya ay Brazil u dhoofisay badeecooyin qiimahoodu dhan yahay 7,000 oo doolar, oo ay ugu badan yihiin kalluunka qurxinta iyo saliidaha dabiiciga ah.
Mas'uuliyiinta Rugta Ganacsiga ayaa sidoo kale ku casuumay Soomaaliya inay ka qaybgasho Madasha Dhaqaalaha Brazil iyo Dalalka Carabta, oo lagu qaban doono magaalada São Paulo 25-ka Agoosto, taas oo lagu wado inay isu keento ganacsato iyo maalgashadeyaal ka kala socda labada dhinac si loo xoojiyo xiriirka ganacsi iyo maalgashiga.


0 




Soomaaliya oo doonaysa inay ballaariso iskaashiga ganacsi ee kala dhexeeya Brazil
.