
Muxuu Muungaab kala hadlay Duqa Magaalada St. Louis Park? + Sawirro
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Duqa Magaalada St. Louis Park, Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, Marwo Nadia Mohamed oo haatan booqasho ku joogta dalka.
Labada mas’uul ayaa kulankooda ku saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Muqdisho iyo St. Louis Park, is-weydaarsiga khibradaha maamulka dowladaha hoose, horumarinta adeegyada bulshada, iyo kobcinta wada-shaqeynta.
Guddoomiye Muungaab oo si diirran u soo dhaweeyay Nadia Mohamed, ayaa ku bogaadiyay guusha taariikhiga ah ee ay gaartay, taas oo ka dhigtay haweeneydii ugu horreysay ee Soomaaliyeed, Muslimad iyo Madow ah ee loo doorto xilka Duqa Magaalada St. Louis Park.
Sidoo kale Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in guushaasi ay tahay mid dhiirrigelin u ah dhammaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada iyo haweenka, isla markaana ay muujinayso kartida iyo kaalinta sii kordheysa ee ay Soomaalidu ku leeyihiin hoggaaminta iyo adeegga bulshada.
Dhankeeda, Marwo Nadia ayaa uga mahadcelisay Duqa Magaalada Muqdisho soo dhaweynta iyo martigelinta uu u sameeyay, iyadoo bogaadisay dadaallada ay Dowladda Hoose ee Muqdisho ku horumarinayso adeegyada bulshada, bilicda magaalada iyo dib-u-dhiska Caasimadda.
Waxaa kale oo ay muujisay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada magaalo.
Nadia Mohamed ayaa horay ula kulantay madaxda sare, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay u sheegtay inay ka go’an tahay xoojinta xiriirka, dhiirrigelinta iskaashiga iyo taageeridda dadaallada lagu horumarinayo Soomaaliya, iyada oo tilmaantay in ay lama filaan ku noqotay amniga iyo horumarka ka socda caasimadda dalka ee magaalada Muqdisho ,sidoo kale R/Wasaare XFS Md. Xamsa Cabdi Barre eye la kulantay.
Si kastaba, Nadia ayaa sidoo kale kulamo dadweyne ka wadda Caasimadda Dalka, iyadoo la kulmeyso qaybaha kala bulshada, sida ardeyda jaamacadaha iyo....










0 



Muxuu Muungaab kala hadlay Duqa Magaalada St. Louis Park? + Sawirro
.