Sawirro: Taliyaha Booliska Jabuuti oo yimid Muqdisho + Ujeedka

0
Sunday July 12, 2026 - 14:11:13 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 37
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Taliyaha Booliska Jabuuti oo yimid Muqdisho + Ujeedka

    ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,

 Taliyaha Ciidanka Booliiska Jamhuuriyadda Jabuuti Col. Cabdiraxmaan Cali Kaahin iyo wafdi hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa Taliyaha Booliska Soomaaliya Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi (Diyaano) oo ku soo dhaweeyay garoonka magaalada Muqdisho.

 
 
 
 


 
 
 
 
 
 

Soo dhaweynta ayaa waxaa si wayn uga qayb-qaatay saraakiisha kala duwan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo safiirka Jabuuti u fadhiya magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti oo la hadlay warbaahinta ayaa ka mahad-celiyay soo dhaweynta loo sameeyay, wuxuuna kadib faah-faahiyay ujeedkiisa safarkiisa ee Soomaaliya.

 

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dhowr cisho uu joogi doono gudaha dalka, isla markaana uu usii gudbi doono gobollada, si uu usoo qiimeeyo xaaladda.

"Dhowr cisho ayaan joogayaa waxaan ku tala jiraa inaan gobollada wada maro oo indha-indheeyo, Soomaaliya wax badan oo been ah ayaa laga sheegaa,” ayuu yiri Taliye Cabdiraxmaan Cali Kaahin.

Dhanka kale, waxa uu ka hadlay arrimo ku aadan taariikhda labada dal ee walaalaha ah iyo halganka adag ee ay usoo mareen xoreynta labada waddan.

 

"Soomaaliya waa waddankaygii labaad Soomaaliya waxa ay Jabuuti u qabatay waan garaneynaa dadaalkii ay dowladda Soomaaliya u gashay waa la wada garanayaa. Soomaaliya haddii aynan jirin Jabuuti xor ma noqoteen,” ayuu mar kale yiri Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska ee Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Waxaa kale oo uu kusii daray "Sidaas daraadeed maanta oo ay Soomaaliya ka yara liicday Jabuuti kaalintii berigii ay Soomaaliya joogtay maanta u joogsato weeyaan, wayna u joogsatay”.

Jabuuti ayaa kamid ah dowladaha dariska ah ee saaxibtinnimada wayn ay kala dhexeyso Soomaaliya, waxaana lagu soo xasuustaa doorkeeda ku aadan dhismaha dowlad dhiska Soomaaliya, iyadoo sidoo kale ciidamo ay ka joogaan dalka, kuwaas oo ka qayb ka ah ciidanka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika.

 

XIGASHO:-CAASIMADDA,NET



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip