
Amiirkii hore ee dalka Qadar Sheekh Hamad Bin Khalifa oo geeriyooday
Dawladda Qadar ayaa maanta ku dhawaaqday geerida Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani, Amiirkii hore ee dalkaas ahna aabbaha Amiirka hadda xukuma, isagoo da’diisu ay ahayd 74 sano.
Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani wuxuu ku dhashay bishii Janaayo 1952 magaalada Dooxa, wuxuuna ku biiray Akadeemiyada Ciidanka ee "Sandhurst” ee dalka Ingiriiska, halkaas oo uu ka qalin-jabiyay sannadkii 1971.Kaddib markii uu dalkiisa ku laabtay, wuxuu ku biiray Ciidamada Qalabka Sida, wuxuuna ka gaadhay darajooyin ciidan ilaa heerka Sarreeye Guud.
Sheekh Xamad, oo xukumayay Qatar laga bilaabo 1995 ilaa 2013, wuxuu ahaa naqshadeeye muhiim ah oo ka mid ah horumarka dalka hodanka ku ah tamarta.
Qatar waxay ku dhawaaqday muddo afar maalmood ah oo baroordiiq dadweyne ah oo bilaabanaysa Isniinta, iyadoo shaqada hay’adaha dawladda iyo hay’adaha dadweynaha la fasaxay sidoo kalana hoos loo dhigey calanka dalka Qadar.
Intii uu xukunka hayay, dalka Qatar ayaa gaaray horumar dhaqaale, bulsho iyo dhaqan oo xoojiyay maqaamkiisa bulshada caalamka.
Sheekh Xamad wuxuu kormeeray maalgashi dhaqaale oo weyn wuxuuna kobciyay iskaashi caalami ah oo ballaaran iyadoo waddanku uu noqday dhoofinta ugu weyn adduunka ee gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah.
Saamaynta siyaasadeed ee Qatar maanta waxay ku fidsan tahay qaybo badan oo adduunka ah oo ay ku jiraan Waqooyiga Afrika, Bariga Dhexe iyo Aasiya.
Sannadkii 2022, Qatar waxay martigelisay tartanka kubbada cagta ee Koobka Adduunka, oo ah tartanka kubadda cagta ee ugu daawashada badan adduunka.


0 



Amiirkii hore ee dalka Qadar Sheekh Hamad Bin Khalifa oo geeriyooday
.