
Taliska Iran oo ku dhawaaqay inuu xiran yahay Marinka Hormuz
Taliska Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa saaka si rasmi ah ugu dhawaaqay in marin biyoodka Hormuz uu xiran yahay, illaa amar dambe iyo inta uu Mareykanka ka joojinayo fara-gelinta uu ku hayo gobolka.
Tallaabadan ayaa timid, ka dib markii Ciidanka Badda Iran ay Sabtidii rasaas ku fureen, isla-markaana ay joojiiyeen markab xamuul oo adeegsaday waddo aan la ogolayn.
Iran ayaan ogoleyn in maraakiibta ganacsiga ee maraya Marinka Hormuz ay si furan ugu socdaalaan marinkaasi. Tehran ayaa ogol in maraakiibta caalamiga ah ay ku gooshaan Hormuz, keliya haddii ay raacayaan habka isku dubaridka Dowladda Iran ee habaynta amniga iyo badbaadada.
Go’aanka Iran ee lagu xanibay isu socodka maraakiibta ee Hormuz ayaa sidoo kale imanaya, xilli Madaxweyne Donald Trump uu Tehran u qabtay inay 24 saac gudahood ku shaaciso inay joojin doonto weerarada maraakiibta ku sugan Marinka Hormuz.
Mareykanka ayaa Iran ku cadaadinaya in ay soo celiso xorriyadda socdaalka maraakiibta ee marinka istiraatiijiga ah Hormuz ee Gacanka Faaris.
Ciidamada Mareykanka ayaa habeenkii Talaadada garaacis ku bilaabay bartilmaameedyada gudaha Iran saacado uun ka dib, markii Madaxweyne Trump uu ku dhawaaqay inuu burburay heshiiskii xabad joojinta ay labada dal gaareen bishii June, sababtu tahay Iran oo uu ku eedeeyay inay ciidamadeeda weerareen maraakiib ganacsi oo ku sugnaa marin biyoodka Hormuz.
Ka dib duulaankii wadajirka ahaa ee Mareykanka iyo Israel ay 28-kii bishii February ku qaadeen dalkaasi Iran, Tehran ayaa bilowday inay kontoroosho marin biyoodka muhiimka ah ee ku yaala Gobolka Bariga Dhexe.
Ka hor dagaalka 40-ka maalmood ee Mareykanka iyo Israel ay sanadkan la galeen Iran, maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ayaa si xor ah ku mari jiray Hormuz.
Dagaalkan ayaa laga dhaxlay in markii ugu horreysay ay Iran canshuur ku soo rogto gaadiidka xamuulka badda ee isticmaala marinka ugu mashquulka badan ee Adduunka



0 



Taliska Iran oo ku dhawaaqay inuu xiran yahay Marinka Hormuz
.