
Liiska Golihiisa Wasiirrada Koonfur Galbeed oo la shaaciyay + Magacyada
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) Ayaa xalay magacaabay Golihiisa Wasiirrada cusub, kadib wareegto uu soo saaray.
Golaha Wasiirrada cusub Koonfur Galbeed ayaa ka kooban 26 wasiir, 3 wasiiru dowle iyo 22 wasiir ku xigeen, sida ku cad liiska uu shaaciyay Aadan Madoobe.
Xubnaha la soo magacaabay waxaa u badan Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed, halka tiro kalena laga keenay bannaanka.
Sidoo kale, xubnaha kusoo baxay liiska la shaaciyay ayaa ah dhalinyaro, qaarkood shaqooyin kala duwan kasoo qabtay Dowladda Federaalka iyo Koonfur Galbed.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa wasiirada uu soo magacaabay kula dardaarmay inay si daacadnimo leh u gutaan waajibaadka loo igmaday, maadaama ay horyaallaan shaqooyin adag, lagana rabo isbeddal dhab ah.
Tallaabadan ayaa noqoneysa tii ugu dambeysay ee lagu soo dhammaystirayo hay’adaha Koonfur Galbeed, kadib markii uu isbeddal ka dhacay Baydhaba, kaas oo meesha looga saaray maamulkii uu hoggaaminayay Lafta-gareen.
Horay Sheekh Aadan Madoobe ayaa usoo magacaabay saraakiisha amniga ee maamulkiisa, si wax looga qabto xaaladaha ammaan ee ka jira halkaasi.
Hoos ka akhriso liiska Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed;-



0 



Liiska Golihiisa Wasiirrada Koonfur Galbeed oo la shaaciyay + Magacyada
.