Ra'iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay Dib-u-dhiska Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya

0
Saturday July 11, 2026 - 11:28:30 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 30
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay Dib-u-dhiska Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay Dib-u-dhiska Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya — SONNA

Muqdisho(SONNA);-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax-dhigay xarunta dhexe ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo dib-u-dhis lagu sameynayo, taas oo qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda DanQaran ay ku horumarinayso hey’adaha muhiimka u ah adeegga bulshada iyo kobaca dhaqaalaha dalka.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaduhu ay laf-dhabar u tahay horumarinta dhaqaalaha dalka, maadaama ay door muhiim ah ka qaadato kobcinta ganacsiga, horumarinta wax-soo-saarka, dhiirrigelinta maalgashiga iyo abuurista jawi ganacsi oo hufan.

 

"Xarunta Wasaaradda oo muddo 50 sano ah dhisnayd, kana muuqatay duugnimo, dib-u-dhiskeedu waa tallaabo muhiim ah. Wasaaraddani waxa ay kamid tahay wasaaradaha laf-dhabarta u ah Qaranka, waana albaabka loo maro ganacsiga iyo horumarinta wax-soo-saarka dalkeenna.

 

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in dowladda ay ka go’an tahay tayeynta kaabeyaasha hey’adaha Qaranka, si loo dardargeliyo adeegyada ay shacabka u hayaan, loona xoojiyo fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee dalka.

 

"Dalkeennu wuxuu u jihaystay dhanka horumarka iyo kobcinta wax-soo-saarka, waxaana la filayaa in dhawaan ay dalka ka hirgalaan warshado badan oo ay leeyihiin maalgashadeyaal Soomaaliyeed iyo kuwo ajnabi ah oo dalka maalgashanaya.”Ayuu yiri R/Wasaare Xamsa.

 

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Jamaal Maxamed Xasan hirgelinta mashruucan dib-u-dhiska ah, isaga oo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo awoodda hey’adda iyo adeegyada ay u hayso shacabka Soomaaliyeed.

FB_IMG_1783759093692.jpgFB_IMG_1783759106027.jpgFB_IMG_1783759114767.jpgFB_IMG_1783759095701.jpg

 

FB_IMG_1783759114767.jpgRa’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay Dib-u-dhiska Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya
XIGASHO:-SONNA.SO



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip