
Madaxweyne Trump iyo Netanyahu oo ka wada hadlay xiisadda ka soo korortay Bariga Dhexe
Labada hoggaamiye ayaa ku heshiiyay inay sii wadaan isku-dubaridka arrimaha dhinacyada badan leh, intii uu socday wada hadal ay ku yeesheen khadka telefoonka.
Madaxweyne Trump ayaa Netanyahu uga warbixiyay dhaqdhaqaaqyada Militariga Mareykanka ee gobolka, gaar ahaan Gacanka Faaris, sida uu sheegay Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel.
Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay in xiriirkan uu daba joogo weeraro is daba joog ah oo ka dhacay dalalka Khaliijka qaarkood.
Wada hadalkooda ayaa ku soo beegmay xilli xasaasi ah oo Mareykanka uu duqaymo ka gaystay gudaha Iran iyo Iran oo dhinaceeda weerartay Saldhigyada Mareykanka ee afar dal oo Carbeed.
Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay, ka dib markii ay burburtay xabad joojintii u dhaxeysay Mareykanka iyo Iran.
Trump ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in hesiiskii xabad joojinta ee labada dal uu burburay, ka gadaal markii uu Iran ku eedeeyay in ciidamadeeda ay maraakiib ganacsi ku weerareen Marinka Hormuz.
Tani ayaa dhabaha u xaartay in Ciidamada Mareykanka ay duqaymo baahsan ka gaystaan dalkaasi, halka Ciidamada Iran ay aargudasho ahaan u weerareen Saldhigyada Militariga Mareykanka ee Bahrain, Kuwait, Qatar iyo Jordan.


0 



Madaxweyne Trump iyo Netanyahu oo ka wada hadlay xiisadda ka soo korortay Bariga Dhexe
.