
Weerarada Mareykanka iyo Iran oo sii xoogeysanaya
Ciidamada Mareykanka ee ku sugan gobolka ayaa Talaadadii iyo Arbacadii garaacay 170 bartilmaameed oo gudaha Iran ah, gaar ahaan xarumaha kaydka gantaalada, raadaaro iyo kaabeyaasha kale militariga ee ku teedsan xeebaha, taasna waxay keentay in Ciidamada Iran ay hadaf ka dhigtaan Saldhigyada Mareykanka ee dalalka gobolka qaarkood.
Warbaahinta Dowladda Iran ayaa sheegtay in xalay ay qaraxyo waaweyn ka dhaceen Koonfurta Iran, oo ay ku jiraan meelo u dhow xarunta nuclear-ka ee Bushehr.
Mareykanka ayaan illaa iyo hadda ka hadlin duqaymaha la soo wariyay inay xalay ka dhaceen dalkaasi Iran. Ma jirto cid kale oo illaa iyo hadda sheegatay masuuliyadda, iyadoona Iran aysan weli ku eedayn dal gaar ah.
Madaxweyne Donald Trump ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in xabad joojintii u dhaxeysay labada dal ay burburtay, iyadoo tanina ay horseeday in Mareykanku uu duqaymo baahsan ka gaysto dalkaasi, dhinaca kalena ay Iran gantaalo iyo diyaarado drones ku garaacdo Saldhigyada Mareykanka ee qaar ka mid ah wadamada Khaliijka.
Weerarka Ciidamada Mareykanka ay ku qaadeen Iran ayaa ka dambeeyay, ka dib markii Madaxweyne Trump uu Tehran ku eedeeyay in ciidamadeeda ay weerareen maraakiib ganacsi oo ku sugnaa marin biyoodka Hormuz.
Xaalad cabsi ah ayaa soo food saartay lixda dal ee Khaliijka Carabta, markii Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ay duqaymo ka gaysteen xarumo militari oo sida la sheegay uu Mareykanku ku leeyahay Bahrain, Kuwait, Qatar iyo Jordan.
Wararka ayaa sheegaya in Dowladaha Khaliijka ay wajahayaan walaac amni, xilli gantaalada iyo drones-ka Iran ay ku dhaceen xarumaha militari ee Mareykanka ee ku yaala afarta dal ee la beegsaday.
Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in ciidamadooda ay heegan buuxa ku jiraan, waxayna Tel Aviv ka digtay in ay qaadi karaan weeraro cusub, haddii xiisadda gobolku ay sii socoto.
Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz ayaa Khamiistii sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu si xoog badan u garaaco Iran, haddii loo baahdo.
Haddii Israel ay ku biirto dagaalka Iran, iyadoo garab siineysa Mareykanka ayaa waxay dabka ku sii shidi doontaa colaadda ka aloosan Gobolka Bariga Dhexe.
Xaaladda gobolka ayaa ah mid aad u kacsan, dadkuna waxay ka cabsi qabaan in dagaalku uu daba dheeraado.


0 



Weerarada Mareykanka iyo Iran oo sii xoogeysanaya
.