WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 25-KA LUULYO 2016-KA

0
Monday July 25, 2016 - 10:49:16 in Wararka by
  • Visits: 578
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 25-KA LUULYO 2016-KA

    GENERAL CAARRE OO SHALAY KU GEERIYOODAY MAGAALADA MUQDISHO Allaha u naxariistee General C/raxmaan Warsame Cilmi (Caare) oo ka tirsanaa Saraakiishii Militariga Somaliya, ayaa waxaa uu shalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho. General C/raxmaan W

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

GENERAL CAARRE OO SHALAY KU GEERIYOODAY MAGAALADA MUQDISHO Allaha u naxariistee General C/raxmaan Warsame Cilmi (Caare) oo ka tirsanaa Saraakiishii Militariga Somaliya, ayaa waxaa uu shalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho. General C/raxmaan Warsame Cilmi oo muddooyinkanba ku xanuunsanaayay Magaalada Muqdisho, ayuu Alle shalay oofsaday

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid General Caare, iyadoona uu tacsi u diray qoyska iyo eheladii uu ka baxay.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, ayaa General Caare ku tilmaamay shakhsi naftiisa iyo waqtig iisaba u huray, sidii loo horumarin lahaa Ciidanka Xoogga Dalka.

"General Caare waxa uu ahaa shakhsi naftiisa, waqtigiisa iyo cilmigiisaba u huray sidii loo hor urmarin lahaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, dib u dhisna loogu samayn lahaa.” Ayuu yiri Ra’Iisal Wasaare Sharmaarke oo hadalkan ku War Saxaafadeed.

Sarkaalkan oo lixdanmeeyadii qortay ciidanimada, ayaan laga faa’iideysan qibradiisii ciidani mo, waxaana uu ka mid ahaa Saraakiisha fara turiska ee dalka ku nagaatay.

MADAXWEYNAHA OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM JENERAL CABDIRAXMAAN WARSAME CILMI

(Villa Somalia): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan She ekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyood ay Allah ha u naxariistee S/ Guuto Cabdiraxmaan Warsame Cilmi "Caare”.

Marxuumka oo shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, ayaa ka mid ahaa saraakiisha sare ee udub dhexaadka u ahaa horumarkii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

"Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya, waxaan shacabka, qoyska, ehaladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumka la wadaagayaa tacsidan murugada leh. Waxaa marxuumka lagu xusuusan doonaan do orkii wanaagsanaa iyo sida hufan ee uu ugu adeegay shacabkiisa’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka tegeyna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

NUSOJ OO SOO DHOWEYSAY GO’AANKA MAXKAMADDA SARE KU AYIDDAY DOORASHADA…

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa soo dhoweeyay go’aan ka soo baxay Maxkamada sare ee dalka, kaasoo uu ku ayidday doorashadii Hoggaanka Ururka Suxufiyiinta Qaran.

Go’aanka Maxkamadda oo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Dr. Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa lagu sheegay in Maxkamadda ay ayidday doorashadii dhacday 17kii bishii mat ee sanadkan, taasoo Maxkamaddu cadeysay inay ud hacday si daahfurnaan ah.

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ Maxamed Ibr aahim Macalimuu ayaa in ugu horeyn sharciyadda ururka ay ka timid suxufiyiinta Soomaaliyeed, si weynna ay u soo dhaweynayaan in maxkamadda sare ay si buuxda u ayiddo doorashadii suxufiy iinta ee Maahir Jaamac Aadan loogu doortay Guddoomiyaha Uurka, halka Xoghayaha Guudna loogu doortay Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Xoghayaha Guud ayaa ka codasaday hey’dadaha dalka ka shaqeeya iyo kuwa caalamiga ah ee taakuleeya suxufiyiinta in u hogaansamaan go’aanka maxkamadda sare ay ku sharciyeysay Urur ka NUSOJ hogaankiisa isla markaana ay wada shaqeyn buuxda la sameeyaan.

BOOLISKA JARMALKA OO SHEEGAY IN WEERARKII MUNICH MUDDO SANAD AH LA DIYAARINAYAY

Mas’uuliyiin u hadashay dowlada Jarmalka ayaa sheegay wiilkii 18jirka ahaa ee ka dambeey ay weerarkii magaalada Munich ee Jimcihii aynuka soo gudubnay uu muddo sanad ah diyaarinayay weerarka.

David Ali Sonboly oo ahaa wiilkii ka dambeeyay weerarka ayaa haystay bistoolad nooceedu ahaa Glock waxana uu haystay rasaas ka badan saddex boqol.

Maamulka Bavarian ayaa sheegay in ay suurtogal tahay in Ali uu soo iibsaday bastooladii uu isticmaalay weerarka suuqa madow.

Weerarkan oo uu isku diley wiilkii ka dambeeyay kadib markii uu diley sagaal ruux oo dhowr iyo toban jiro ah,labo ka mid ah waxa ay ahaayeen Turkiyiin,labo Jarmal ah,hal Hungarian ah,hal Greek ah iyo ruux kale oo u dhashay dalka Kosovo.

Sidoo kale weerarkan ayaa waxaa dhaawacyo ka soo gaartay 35 ruux iyadoo afar ka mid ah dadkaasi ay qabeen dhaawacyo rasaaseed.

Saraakiil u hadashay dowlada Jarmalka ayaa waxa ay sheegeen in dadka ku waxyeeloobay weerarkan aysan ahayn dad si gaar ah loo bartilmaameedsaday mana ahayn dhalinyaro ay isku fasal ahaayeen wiilkii ka dambeeyay weerarka.

Madaxa ciidamada dambi baarista Booliska Bavaria Robert Heimberger ayaa sheegay in Sonboly uu sanadkii hore booqday magaalada Winnenden oo ah iskuul toogasho ka dhacday sanadkii 2009 halkaa oo sawiro ka soo qaaday.

Mr Heimberger ayaa intaa raaciyay in waalidiinta Sonboly ay aad u naxeen ayna awoodin in la wareysto.

Booliska ayaa waxa ay sheegeen in aysan ka helin qolka uu ka degenaa Sonboly dhismaha aabihiis qoraaladii dilaagii u dhashay dalka Norway Anders Behring Breivik

Hase yeeshee, maalin kahor ayaa waxaa soo baxayay suurtogalnimada xiriir u dhexeeya Breivik kaaso shan sano ka hor uu dhacay weerar uu dad badan ku diley.

Afhayeen u hadlay xeer ilaalinta Munich ayaa sheegay in Sonboly uu muddo labo bilood ah ku qaatay xarun lagu xanaaneeyo dadka dhimirka la’ sanadkii 2015, kadibna waxa uu ka mid ahaa bukaanada daawada ka qaata xarunta iyagoo gurigooda jooga ama bukaan socod.

Sonboly oo is diley kadib markii uu waxyeelo gaarsiiyo dhalinyaro kale ayaa la sheegay in uu tooganayay dadka asalkoodu uu ka soo jeedo dalalka carabta iyadoo la sheegay in uu aad u necbaa dhalinyarada asalkoodu yahay dalalka carbeed kadib markii ay isku khilaafeen dugsigii uu wax ka baran jirey.

AL-SHABAAB OO MADAAFIIC KU GARAACAY SALDHIGA AMISOM EE CEEL JAALLE

AlShabaab ayaa madaafiic hoobiyeyaal ah ku garaacay saldhig Ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Ceel Jaalle ee duleedka magaalada Marka gobolka Shabeellaha Hoose.

Sida ay sheegayaan wararka duqeynta madaafiicda kadib ayaa waxaa dhacay iska hor imaad, kaasoo muddo socday.

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in madaafiicda kale ay iyana ku jawaabeen, lama soo sheegin khasaaraha ka dhashay duqeynta.

Dad ku sugan magaalada Marka ayaa sheegay inay maqlayeen madaafiic culus oo labada dhinac is weydaarsanayeen.

Weerarkan madaafiicda ayaa ku soo aadaya, iyadoo daraad duhurkii qarax miino lala eegtay Kolonyo ka tirsan ciidanka AMISOM oo ka yimid Buulo Mareer, kuna soo jeeday Shalanbood

AlShabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ku qaadaan saldhigyada Cidiamada AMISOM, waxaana Shabeellaha Hoose ay aheyd meelaha ugu badan ee weerarada kala kulmaan ciidanka.

SHIRKA MADAXDA WADAMADA JAAMACADDA CARABTA OO MANTA KA FURMAYA DALKA MURATANIA IYO AJANDAYAASHA LOOGA HADLAAYO.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu tago caasimadda dalka Muratania, si uu uga qeyb galo Shirweynaha 27aad ee Madaxda Dowladdaha Carabta oo maalinta maanta ah ka furmaya caasimadda dalkaasi ee Nowakshood.

Shirkaan oo socon doona muddo labo Maalmood ayaa waxaa looga hadli doona Ajendayaal ay soo diyaariyeen Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Ururka Jaamacadda Carabta, waxaana Ajenda yaasha kuwa ugu muhiim ka mid ah arrimaha Yemen, Syria, Libya, Soomaaliya, Falastiin, Faragelin ta Iiraan iyo Jesiiradaha ay ka haystaan Imaaraadka iyo Ciiddanka Turkiga ee ku sugan gudaha Ir aq. Ururka Jamaacadda Carabta waxaa xubno ka ah 22 Wadan, kuwaasi oo kala ah: Masar, Sac uudiga, Iraq, Somalia, Jabuuti, Sudan, Algeria, Bahrain, Kuwait, Jesiirada Komoros, Libya, Syria, Moroko, Muratania, Tunisia, Imaaraadka Carabta, Urdun, Cumaan, Yemen, Qatar, Falastiin, Jesiir adaha Murushiyos iyo Waddaanka Eritrea oo Goobjooge ahaan ugu soo biirtay Ururka Jamaacadda Carabta sannadkii 2003dii

MAXKAMADA CIIDAMADA SOMALILAND OO 8 RUUX KU XUKUNTAY DIL TOOGASHO

Maxkamada Ciidamada Somaliland ayaa shalay dil toogasho ku xukuntay 8ruux, kadib markii Maxkamadu ku heshay inay si wada jir ah Taliye ciidan ugu dileen bishii Maarso ee sanadkan mag aalada Berbera.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Somaliland Col. Yusuuf Faarax Sharma’arke, ayaa ku dhawaaqay xukunkan, sagoo xusay in dhamaan 8da ruux ay dileen Taliyihii hore ee qeybta Bo oliska magaalada Bereba G/lle C/risaaq Maxamuud Yuusuf.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa todobo sano oo xabsi ah ku xukuntay 8 kale oo iyana lagu eedeeyay inay weerar ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Ceel Garde.

Qareenka u doodayay eedeysanayaasha oo lagu magacaabo maxamed Jaamac Cabdi ayaa ku tilmaamay xukunkan mid cadaalad ka fog oo siyaasadeyn.

Waxaa uu sheegay inay ka qaadan doonaan xukunkan racfaan, maadaama uu tilmaamay in ragga la xukumay ay ahaayeen rayid, isla markaana aanay sharci aheyn in Maxkamad ciidan la hor geeyo.

Dhamaan Ragga la xukumay ayaa ka soo jeeda hal deegaan, waxaana marka ay xukunka rideysay Maxkamadda ka maqnaa shan ka mid ah 8 ruux ee lagu xukumay dilka.

GUDDOOMIYE KU XIGEENKA LABAAD EE BAARLAMAANKA IYO WASIIRKA AMNIGA OO GAARAY BALEDWEYNE

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, Wasiirka Amniga Somaliya C/risaaq Cumar Maxamed iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Somaliya Mahad Cabdalla Cawad iyo masuuliyiin kale.

Xubnahan ayaa lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baledweyne Ugaas Khaliif, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha ciidamada Jabuuti.

Ujeedada Wafdigaan ay u tageen Magaalada Baledweyne ayaa waxa ay tahay sidii maalinta beri ah ay uga qaybgeli lahaayeen Caleemo saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo beri lagu caleemo saarayo Magaalada Baledweyne.

Xildhibaano ka tirsan Dowladda ayaa horay ugu sugnaa Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo iyagana u tagay halkaa ka qaybgalka Caleemo Saarka Ugaaska,Ammaanka Magaalada Baledweyne ayaa si weyn loo adkeeyay , gaar ahaan Xarunta Maamulka oo ay ku sugan yihiin masuuliyiinta shalay gaartay Baledweyne.

Inkastoo Magaalada Baledweyne ay ka jirto xiisad siyaasadeed, maadaama Odayaasha ay sheegeen Caleemo saarka Ugaaska kadib inay u soo jeesan doonaan sidii Maamul ka madax banaan midka Dowladda ay ugu dhisi lahaayeen Gobolka Hiiraan.

BOOLISKA JARMALKA OO SHEEGAY IN WEERARKII MUNICH MUDDO SANAD AH LA DIYAARINAYAY

Mas’uuliyiin u hadashay dowlada Jarmalka ayaa sheegay wiilkii 18jirka ahaa ee ka dambeey ay weerarkii magaalada Munich ee Jimcihii aynuka soo gudubnay uu muddo sanad ah diyaarinayay weerarka.

David Ali Sonboly oo ahaa wiilkii ka dambeeyay weerarka ayaa haystay bistoolad nooceedu ahaa Glock waxana uu haystay rasaas ka badan saddex boqol.

Maamulka Bavarian ayaa sheegay in ay suurtogal tahay in Ali uu soo iibsaday bastooladii uu isticmaalay weerarka suuqa madow.

Weerarkan oo uu isku diley wiilkii ka dambeeyay kadib markii uu diley sagaal ruux oo dhowr iyo toban jiro ah,labo ka mid ah waxa ay ahaayeen Turkiyiin,labo Jarmal ah,hal Hungarian ah,hal Greek ah iyo ruux kale oo u dhashay dalka Kosovo.

Sidoo kale weerarkan ayaa waxaa dhaawacyo ka soo gaartay 35 ruux iyadoo afar ka mid ah dadkaasi ay qabeen dhaawacyo rasaaseed.

Saraakiil u hadashay dowlada Jarmalka ayaa waxa ay sheegeen in dadka ku waxyeeloobay weerarkan aysan ahayn dad si gaar ah loo bartilmaameedsaday mana ahayn dhalinyaro ay isku fas al ahaayeen wiilkii ka dambeeyay weerarka.

Madaxa ciidamada dambi baarista Booliska Bavaria Robert Heimberger ayaa sheegay in Sonboly uu sanadkii hore booqday magaalada Winnenden oo ah iskuul toogasho ka dhacday san adkii 2009 halkaa oo sawiro ka soo qaaday.

Mr Heimberger ayaa intaa raaciyay in waalidiinta Sonboly ay aad u naxeen ayna awoodin in la wareysto.

Booliska ayaa waxa ay sheegeen in aysan ka helin qolka uu ka degenaa Sonboly dhismaha aabihiis qoraaladii dilaagii u dhashay dalka Norway Anders Behring Breivik

Hase yeeshee, maalin kahor ayaa waxaa soo baxayay suurtogalnimada xiriir u dhexeeya Breivik kaaso shan sano ka hor uu dhacay weerar uu dad badan ku diley.

(XOG MUHIIM): DOORASHADDA MADAXWEYNAHA IYO BARLAMAANKA OO DIB LOO DHIGAY, LANA SHAACIYEY XILLIGA LA QABAN DOONO.

Xog Hoose oo ay heshay Idaacadda Radio Dalsan ayaa muujinaya inuu Isbedel ku yimid qorshaha Jadwalka Doorashadda Somalia ee la filayey inay qabsoomaan bilaha August iyo Septe mber ee sannadkan.

Ilowareed lagu kalsoon yahay ayaa RadioDalsan u xaqiijiyey inay Doorashooyinka u dhici doonaan

sidatan:

Bisha October ee soo socota waxaa la qaban doonaa Doorashada Xildhibaanadda cusub ee Aqalka Hoose ee Barlamaanka Somalia.

Bisha November waxaa la dooran doonaa xubnaha Aqalka Sare ee Senedka ee Barlamaanka Cusub.

Bisha December 12da waxaa la dooran doonaa Doorashadda Madaxweynaha Cusub ee Dowladda Federalka Somalia.

Dhinaca kale, Hoggaamiyayaasha Golaha Wada Tashiga Qaranka ayaa la filayaa inay dabayaaqadda Bishan July Shir ku yeelan doonaan magaalladda Muqdisho, iyadoo la filayo inay si rasmi ah u oo ay ku ansixiyaan Jadwalka Cusub ee Doorashooyinka Madaxweynaha Somalia iyo Labada Gole ee Barlamaanka Somalia.

Xigasho.RadioDalsan.com

SAFAARADDA TURKIGA EE SOMALIA OO LA WAREEGTAY DUGSIYADII IYO ISBITAALKII NILE ACADEMY.

Ilo Diplomaasi ayaa waxay sheegayaan in Safaaradda Turkiga ku leedahay magaalladda Muqdisho hoos imaan doonaan Saddexdii Dugsi iyo Isbitaalkii ay maamuli jirtey Hay’adda Nile Aca demy, taasi oo xiriir dhow la leh Hoggaamiyihii abaabulay Afgembigii Fashilmay ee Isbuucii hore ka dhacay dalka Turkiga,Fatxullaahi Gulen. Ilaha Diplomaasi waxay kaloo sheegeen in laga bilaabo maanta oo Axad ah inay Safaradda Turkiga ee Somalia la wareegeen dhamaan Hawlaha Dugsiga Hoose ee Gabdhaha iyo Dusgiga Sare ee Gabdhaha ee ay horey u maamuli jirtey Hay’adda Nile Academy oo laga eryey Muqdisho.

Sidoo kale, Isbitaalka ay Hay’adda Nile Academy maamuli jirtay ayaa la sheegay in la xiray, iyadoo Hantidii Isbitaalkaas loo wareejin doono Isbitaalka Tababarka iyo Cilmibaarista ee Somali yaTurkey Training and Research Hospital.

Dhinaca kale, Tan iyo markii ay Dowladda Somalia soo saartay amarka lagu cayrinayey Sha qaalihii Hay’adda Nile Academy waxaa magaalladda Muqdisho ka ambabaxay 40 xubnood oo ka tir san Shaqaalaha Hay’addaasi iyo Qoysaskooda.

FANNAAN U DHASHAY KONGADA DIMUQRAADIGA OO LAGA MASAAFURIYEY NAYROBI.

Maamulayaasha Kenyaayaa waxay xalay masaafuriyeen mid ka mid ah Fannaaniinta ugu waa weyn Qaaradda Afrika, Koffi Olomide, kadib, markii laga duubay Filin, isagoo laadayo Hawee ney.

Muuqaalka shilkaasi oo ka dhacay Garoonka Caalamiga ee Nairobi ayaa lagu baahiyey Wa rbaahi nadda ay ku xiriiraan Bulshadda (Social Media).

Fannaanka ayaa loo masaafuriyey caasimadda dalka Kongadda Dimurqadaiga (DRC) ee Kin shasa, isagoo ay wehliyaan 3 ka mid ah Kooxdiisa. Koffi Olomide waxa uu beeniyey inuu qof dhib aateyey, waxaaana la xiray dhowr saacadood kadib, markii uu u yimid Nairobi si uu uga dhigo Ban dhig Faneed.

Koffi Olomide oo 60 jir ah waxa lagu soo oogay inuu laaday mid ka mid ah Haweenkii la soc day, inkastoo uu beeniyey Eedeyntaasi.

Waxa uu Wareysi uu siiyey BBCda ku sheegay inuu ku hawlanaa sidii uu u joojin lahaa gabar doonaysay inay la dagaasho gabdhaha ciyaara ee isaga la socday.

Muuqaal Video ah oo laga baahiyey Telefishinka KTN News ayaa muujinaya iyadoo ay Bolis ka farageliyeen si ay u joojiyaan weerarka loo geystay Haweeney ay Warbaahinta Kenya ku sheeg een inay ka mid ahayd Haweenka ciyaara ee la socday Fannaanka.

Ma aha markii ugu horreysay ee Fannaanka Koffi Olomide la kulmo dhibaato noocaasi, wax aana sannadkii 2008dii lagu soo oogay inuu laad ku dhuftay Sawirqaade ka socday Telefishinka Gar aka ee RTGA TV ee dalka DRC, wuxuuna Kameerada Masawirqaadaha ku jebiyey Tiyaatar ku yaa lla Kinshasa.

Sidoo kale, sannadkii 2012-kii waxa uu xarig 3 bilood ku muteystay kadib, markii uu feeray Soo saarihiisa.

BEDZIMBA: "SALIM HANJARI WAXA UU AHAA SARKAAL KA TIRSAN DAWLAD DEEGAANKA MOMBASA KAMA MID AHEYN ALSHABAAB”,

Xildhibaan ka Tirsan Golaha deegaanka Magaalada Mombasa ee dalka Kenya oo lagu ma gicaabo Kisauni Rashid Bedzimba ayaa beeniyay in nin ay qaraabo yihiin uu kamid ahaa labo nin oo lagu dilay Magaalada Mombasa.

Salim Abdhal iyo Salim Omar ayaa lagu dilay hawlgal iyadoo la sheegay in guriga ay joo ge ena hub laga soo saaray sida laamaha Amaanka Magaalada Mombasa ay warbaahinta u shee geen.

Bedzimba ayaa yiri "Salim Hanjari waxa uu ahaa sarkaal ka tirsan dawlad deegaanka Mo mbasa islamarkaana aysan jirin xiriir uu la leeyahay Alshabaab , wararka sidaas sheegaya waa ku ma been abuur ah”,

Guddoomiyaha Magaalada Mombasa ee dalka Kenya Hassan Joho ayaa si xoogan u camba areeyay dilka isagoo ku eedeeyay dowladda in ay ugu soo gabaneeso dilka Muslimiinta magaca la dagaallanka argagixisada.

Joho ayaa ku hanjabay in ay u horseedi doonaan mudaharaadyo ka dhan ah dilka sharciga ka baxsan ee Mombasa isagoo dalbaday in jawaabaha ku habboon dawladda kaso bixiso .

HOOYO KA CODSATAY MUSHARAXA XISBIGA JAMHUURIGA TRUMP INUU JOOJIYO KA HADLIDA DHIMASHADA WIILKEEDA

Hooyada dhashay Ambassadorkii mareykanka ee dalka Libya J. Christopher Stevens oo ku dhintay weerarkii dalkaas ka dhacay sanadkii 2012kii ayaa warqad qoraal gaaban u dirtay Tifaftiraha wargeeska The New York Times iyadoo ka codsatay musharaxa magacaaban ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump inuu joojiyo ka hadlida dhimashada wiilkeeda oo marar badan uu soo hadal qaaday.

"Waan hubaa in Chris uu jeclaan laheen magiciisa ama xasuustiisa loo isticmaalo noocaas oo kale ,” ayay Mary Commanday warqaddeeda ku qortay, xili ay u dirtay Tifaftiraha wargeeska The New York Times ee dalka Mareykanka iyadoo ka xun in lasoo hadal qaado Magaca wiilkeeda oo ku dhintay Weerarkii ka dhacay Magaalada Benghazi ee dalka Libiya.

Musharaxa magacaaban ee xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka Donald Trump marar badan khudbad uu jeediyay waxa uu soo hadal qaaday weerarkii ka dhacay Magaalada Benghazi ee dalka Libiya.

C/FITAAX CUMAR XALANE :"GUDOOMIYIHII DEGMADIISA LAGU ARKO ISBAARO XILKA AYAA LAGA QAADI DOONAA”

Kulan loogu hadlaayay Amniga Gobolka Banaadir oo ay ka qeyb galeen dhamaan Gudoomi yayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiinta Gobolka ayaa shalay ka dhacay xarun ta Dowlada Hoose ee Fiisha Governo.

Kulanka waxaa shir Gudoominaayay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho sheikh Yuusuf Xuseen Jimcaale intiisa badan waxaa diirada lagu saaray sidii loogu shaq eyn lahaa amniga Caasimada Magaalada Muqdisho.

Kulanka kadib waxaa warbaahinta la hadlay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fi taax Cumar Xalane wuxuuna sheegay in labo qodob kulanka diirada lagu saaray oo kala ahaa Amn iga Caasimada iyo Qaadashada kaarka Aqoonsiga.

Dhanka kale Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane waxa uu shee gay in xilka laga qaadi doono Gudoomiyihii degmadiisa lagu arko Isbaaro xili maalmihii dambe ay soo baxeyn warar ku aadan in ay jiraan degmooyin gaadiidka iyo Goobaha ganacsiga loogu qaado Lacago sharcidaro ah uusan ogeyn maamulka Gobolka.

BOGGA CAYAARAHA

CADEYN ” CABDI SALAAM DHIIDHIYE WAXA UU QARANKA SOOMAALIYA U SAFTAY KULLAN LOOGU BADIYAY 40

Ciyaar dhacday galabnimo Arbaco ah oo ay taariikhdu ku beegneyd 7da bishii Janaayo 2009-kii waxaa kullankaas kasoo dhex muuqday kabtanka iminka matalayo maamul goboleedka Puntland ee Cabdi Salaam Dhiidhiye.

Xulka Soomaaliya ayaa la ciyaarayay Uganda, tartankii 32aad koobka xulalka K/cagta Bariga iyo Bartamaha Africa ee CECAFA oo sanadkaas ka dhacay wadanka Uganda.

Macallin Geele oo sanadkaas tababare u ahaa xulka Soomaaliya ayaa shaxdiisa koowaad waxa uu kusoo bilaabay Cabdi Salaam Dhiidhiye oo safarkaasi door muhiim ah ka qaatay.

Ciyaaryahanadii safarkaasi matalayay uu qeyb ka ahaa Yuu Cali, Yaasiin Jareere, C/Casiis Hoomeey, Babaay,Badri iyo Siidii ayaa dhamaantood sheegay in Cabdi Salaam Dhiidhiye uu qeyb ka ahaa liiska xulka Soomaaliya u mataleysay koobka xulalka K/Cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA

Si kastaba koobka xulalka K/Cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika oo 2009-kii ka dhacay dalka Uganda ayaa soomaaliya waxa ay ku guruub aheyd Uganda,Tanzania ,Zanzibar iyo Rwanda.

CARLO ANCELOTTI "ARJEN ROBBEN WAA DIYAAR BILOWGA XILICIYAAREEDKA”

Tababaraha cusub ee kooxda Bayern Munich Carlo Ancelotti oo ka hadlay dhaawaca laacibk iisa reer Holland ee Arjen Robben ayaa sheegay inuu si fiican uga soo kabanayo dhaawaca.

Arjen Robben ayaa ku dhaawacmay kulankii ugu horeeyay ee isdiyaarinta xiliciyaareedka cus ub, baritaano lagu sameeyay kadib waxaa la xaqiiiyay inuu garoomada ka maqnaan doono 6 isbuuc.

Tababare Carlo Ancelotti ayaase aaminsan in Arjen Robben uu taam u noqon doono kooxda bilowga xiliciyaareedka cusub wuxuuna intaa ku daray inuu ku soo caafimaadayo waqtigii loogu talo galay.

"Robben waa diyaar bilowga xiliciyaareedka cusub, sifiican ayuu uga soo caafimaadayaa dhaawicii soo gaaray” ayuu yiri Carlo Ancelotti.

"Dhamaan boosaska kooxda sifiican ayeey u buuxaan, uma baahnin la soo wareegida ciya artoy cusub, waan haysanaa laacibiin nagu filan oo ku tartami kara boosaskooda” ayuu sii raaciyay.

JOAN LAPORTA"WAXAA JIRA DAD DOONAYA IN MESSI AY KU QASBAAN KA TAGISTA BARCELONA”

Madaxwaynihii hore ee Barcelona Joan Laporta ayaa eedeeyay maamulka haatan ee kooxda reer Spain kaas oo uu ku dhaleeceeyay inuu gacan ka gaysanayo sidii Messi uu uga tagi lahaa kooxda.

Joan Laporta ayaa sheegay in Messi uu lacago badan ku bixiyo canshuurta dalka Spain balse maamulka Barcelona ee uu hogaamiyo Bartomeu ayuu ku eedeeyay inuu ka gaabiyay garab istaaga laacibka reer Argentina.

"Waxaa jirta awood gooni ah oo ka tirsan Barcelona isla markaana doonaysa in Messi uu ka tago kooxda, waan ixtiraamayaa go’aanka maxkamada, laakiin waxaan ka ogahay Messi ayaa ah in uu lacago badan ku bixiyo dawlada Spain” ayuu yiri Joan Laporta oo la hadlay Radio Catalunya.

"Barcelona way igala wayntahay koox, sharaf wayn ayeey ii ahayd inaan madaxwayne ka no qdo, xiligii aan madaxwaynaha ahaa waxaan kordhiyay shacbiyada kooxda iyo in taageerayaashu ay ku xirnaadaan kooxda, laakiin arinkaas haatan waa mid aysan kooxdu lahayn”.

Joan Laporta ayaa wax laga xishoodu ku tilmaamay qaabkii Barcelona ay ulasoo wareegtay Neymar wuxuuna intaa ku daray in arimaha nuucaas ah ay hoos u dhigayaan sharafta kooxda.

QABSASHADII GALADIGA EE 



BAARDHEERE.

 

Q/1aad

Si aan wax uga ogaano sababta keentay in markii ugu horeeysay ay culuma soomali ahi dhaxdooda isku jihaadaan iyo sababihii ha dhashay sidii Boqortooyadii Galadi ugu ku qabsatay deegaanada Afgooye illaa baardheere,aan fiirino wixii laga qoray qaar ka mid ah . Fiiri Markhaati (FM) buugga "The Shaping of the Somali Society” ee Dr. Lee Bogga 35aad Jameecadii Baardheere waxey aha ayeen koox culumo ah oo degay jiin ka wabiga Jubba sanadkii 1819-kii waxaana bilaabay ugu hore yntii bogol wadaad, ti radoodu waxey gaartay halkii ugu sareysay sanadkii 1840-kii, markaa oo ay gaareen 20,000 xer dhan, ka dibna wax ay bilaabeen fikradda Jihaad.(((soo noq nogoshada taa rikhda waxaa mar kale u soo joognay iyadoo culumo iyo hogaamiya kooxeedyo Jihaad uga dhawa aqeen Baardheere, 1991 illa shalay))).

Dr. Lee bogga 136 wuxuu ku leeyahay "Lama oga sababta boqolkii wadaad ee u horeysay u Aas-Aaseen Jameecada. M/Baardheere lafteeda waxaa la Aas-Aasay Sannadkii 1819-kii waxaana asaasay Sh.Ibraahim Xasan Jebarow oo reer Daafeed ah aa marki loo diiday inuu Mowlac ka sam eysto Daafeed ka dibna uu Baardheere u guu ray, isagoo fidinayay Dariiqadda Axmaddiiyada, Dar iqadii Sayid Axmed Bin ldiris Al-Fasi oo Maka Al-mukarama ku noolaa intii u dhaxeysay sanadihii (1760-1837), laakin Buuga kale ee The Arab Factor ee Cali A. Xirsi wuxuu leeyahay "Xertii ugu hor eysay ee Baardheere degta waxey ahaayeen Qaadiriya, kuwaa oo Qarnigii 19-aad xarun ku lahaa Baraawe, hase yeeshee aad uma fidin qaadiriyadu wixii ka horeeyay Sheekh Aweys Maxamed Al-Baraawe oo noolaa intii u dhaxeysay sanadihii (1847-1909), FM Buugga kale ee "Somali” ee Gerulli Bogga 187-189 iyo warbixinta shariif Xerow Xas an, Caliyow Axmed, Sheekh Cusmaan Isaaq Qa adiriya laga soo wariyay.

Dhinaca kale Sahmiyayaashii Reer Yurub ee Baardheere tegay ayaa yiri "Reer Ba ardheere wa xey ahaayeen Wahaabiyiin,FM Buugga Dr.Lee Bogga 136, Wahaabiyad da oo wadamada Carabta ku fideeysay qarnigii 19-aad, Dr.Lee wuxuu leeyahay "Ma jir to wax la tixraaci karo oo xaqiiq ah oo cadeeynaya in Wahaabiyaddu berigaa soo ga artay gudaha Soomaaliya”, waxa uu intaa raaciyay Waxaa suura gal ah in Jameecada Baardheere ayna aheyn markii hore wahaabiya oo ay ahaayeen kuwa raacsan Dariiq ad kale oo u gaar ah deegaankana ku cusub oo ay doonayeen iney fidiyaan. FM-kale Buugga "Principi” ee uu qoray Masimo Colocci Bogga 80, 81, inkastoo ay ahaayeen kuwii u gu horeeyay ee Soomaaliya Jihaad ku dhawaaqa Sayid Maxamed ka hor, iyaga iyo Galadigu qoloba qolada kale ayey Gaalo ku magacaabi jireen.

Jameecada Baardheere waxey mamnuuceen Tubaakada, Ciyaaraha dhaqanka, faanta Maroodi, iyagoo yiri: Maroodigu ma aha xayawaan nadiif ah, waxa ay soo roge en xijaabka Hawenku xirtaan, taasi waxey keentay in Qarnigii 19-aad ay iska horyima adaan wadaaddadii Baardheere iyo kuwii degaanka, (Soo nog noqoshada taarikhda si da ay shalayba isaga hor yimaadeen culumaddii dalku). waxaa kale oo jiray in culum adii Baardheere iyo kuwii Dariiqada Shaaficiyadda ay is kaga hor yimaadeen sharciga, dhaxalka iyo furriinka.

Bartamihii 1830-kii dhaq dhaqaaqii Baardheere wuxuu noqday mid Ciidan. FM Buu gga Dr. Lee Bogga 137, dhaqdhaqaaqaa ciidan waxaa hoggaaminayay Sheekh Cali Dhurow oo Geeriyooday 1838 ama 1839, ka dibna Shariif C/raxmaan iyo Shariif Ibra ahim, jihaadkooda waxaa gacan siiyay reer Guuraa, dagaalkuna wuxuu ku fiday Dooy, K/bari Baardheere ilaa Bariga Baydhaba.

Sheekh Abuukar wuxuu hoggaamiyay dagaal lagu qaaday Wardaay (Oromo) gal beedka Jubba isagoo weeraray magaalada Luuq sanadkii 1840-kii, wadaadadii Baar dheere ka soo duulay waxa ay gaareen Baraawe iyagoo dadkii halkaa joogay ku khas bay iney fikirooda raacaan, iyadoo Barigaa Baraawe ay aheyd xarunta suufiyada wal iba Sheekh Axmed Yuusuf (Goobroon) iyo Sheekh Madow Macalllin (Hintire) ayaa halkaa wax ku bartay.

Faragelintaasi waxey ka careysiisay Suldaan Yuusuf Maxamed oo ahaa Suldaan kii Galadiga ee degaankiisi lagu soo xadgudbay sanad Arbaca ah oo ku beegnaa 1843. Suldaan Yuusuf wuxuu deegaanka Afgooye ku diyaariyay ciidan Geledi iyo gaa shaan buurtiisa ahaa, wuxuuna qaaday duulaan isagoo sii maray Daafeed iyo Baydha ba, Qabaa’ilkii uu sii dhex maray wuxuu kasii helay ciidan, ugu dambeyntii ciidamo ga araya 40,000 ayuu Baardheere ku qabtay,(( qoraalada qaar ayaa sheegaya in ciidam ada galadigu waqtiga nabadda ay ahaayeen 20.000 waqtiga dagaalkana la gaarsii jir ay illaa 50.000)), waxa ayna aheed markii ugu horarysay ee xukunkan Gelediga ay hoos tagaan min Afgooye ilaa Baardheere, ciidamada Geledigu waxey gubeen Gury ihii iyo Beerihii Reer Baardheere,dadkiina waa qaxay,waxeyna Dileen Shariif C/raxma an iyo Shariif Ibraahim oo Jameecada hoggaaminayay, labadaba waxaa lagu dilay go obtii dagaalka, waxaana halkaa ku istaagay fikirkii jihaadka ee culumadii Baardheere ee xoowliga ku socday in kastoo uu baaqi ku sii ahaa meelaha qaar lagana aaminsa naa.

Boqorkii Geledigu intii uu duulaanka ku jiray wuxuu saarnaa Geel, FM Buugga Dr.Lee Bogga 138 sawirrada qaar ayaa Muujinaya in Suldaan Yuusuf uu Baardheere ka soo galay dhinaca Luuq, isagoo isku xiray Baraawe, Afgooye, Daafeed, Baydhaba, Molimaad, Luuq, iyo Baardheere. Dadkii ku kacay jameecada Baardheere ee Galadiga gacanta siiyay waxaa ka mid ahaa kuwii faanta Maroodiga ka ganacsan jiray ee Jam eecadu horay uga mamnuucday, Maroodigaa oo Baardheere laga soo ugaarsan jiray Baraawena laga dhoofin jiray, iyadoo Owr iyo Addoon lagu soo rari jiray Masaari iyo Cumaaniyiin ayaa lug ku lahaa ganacsiga adoonta iyo faanta isticmaarkii reer Yurub ka hor.FM Bugga "Reisen” ee uu qoray Baadariga Lu Dwing Krabt Bogga 206 ee uu uga hadlayay socdaalkiisii dhulka Gaalla sanadkii 1850, wuxuu ku qoray in Galadigu dib u furtay waddadii Ganacsiga ee Faanta Maroodi ee Baraawe iyo Baardheere isku xireeysay FG:-.Iga raali ahaaw haddii aad khalad ka dareento qormadeeydan iyo meelaha aan ka tix raacay,waad sixi kartaa,dhaliili kartaa,aragtidaada ku kordhin kart aa,aragt idaa du waa muhim

QORE-:YAHYA AMIR

{Sii Aqri Qeybtan Hoose}

 xigasho:-rayidkaonline.com

SABABIHII GALADIGA U FUDUDEEYAY QABSASHADA BAARDHEERE IYO 

SAAMEEYNTII KA DHALATAY DAGAALKA Qaybtii 2aad…

Fiiri Markhaati Kale Dokumentiga Giulian Qeybta 2aad Bogga 86Waa maxaay saame ynta ey reebeen Dagaaladli Wadaaddada Baardheere iyo Suldaankii Galadiga? Mud adii 24-ka sano aheyd ee xukunka Jameecadu ka jiray Baa rdheere marna ma aheyn xukunkoodu mid dhaxaltooyo ah ee wuxuu ahaa mid ka kooban culumada shanta Qab iil ee halkaasi degenaa, iyadoo hoggaamiyaha soo xulidiisu ku saleysneyd kartida qof ka iyo Aqoontiisa Diineed, Fiiri Markhaati Buuga The Shaping of the Somali Society ee Lee. V. Casanelli bogga 142aad.

Fiiri Markhaati kale oo muujinaya in xukunka Baardheere aanu aheyn dhaxal, Buu gga”Prima Spedizione” ee uu qoray Ferrendi, isagoo leh markii uu dhintay Sheekh Abiikar Aadan Dhurow san adkii 1838-dii ayaa wiilkiisii Mahad Aadey wuxuu rabay inuu qabto xilka,laakin dadkii reer Baar dheere ayaa diiday oo doortay Shariif Cabdiraxma an, Mahad Aadeyna wuxuu iska aaday Baraawe halkaasi oo uu ka noqday Macaallin Carruurta Quraanka Bara ilaa uu ka Geeriyooday.

Inkasta oo Geledigu jabiyay haddana weli waa sii jirtay Jameecadii Baardheere aya goon awood ciidan laheyn sida uu sheegay Sahamiyihii Talyaaniga ahaa ee Ugo Fre ndi, ee Baardheere tegay sanadkii 1891-kii, FM, Buugga Prima Spedizione Bogga 205-206-aad dhinaca kale wadaadadu wa xa ay dareemeen intaan Galadigu soo gelin in ayna u babac dhigi karin, firi Buuga the Shaping of the Somali Society ee uu qoray Dr.Lee Bogga 243aad oo leh ”Sheekh Ibraahimkii Baardheere wux uu u diray Suldaan ka Galadiga Kutub Qur’aan iyo Sumeyn (Gift of Peace) Suldaankuna waxa uu u Qoray Jawaab Diidmo ah, waxaa kale oo arrintaa laga ogaan karay laashin Abuukar Cusm aan oo Reer Afgooye ah, fini Marqaati kale Buugga "La Communita Giama Di Barder” ee uu qoray I. M. Lur wis Markuu tagay 1950-kii Boggiisa 37aad, markii sumeyntii la Di iday ayaa maalin Khamis ah 2-dii bisha Mowliid sanadkii Hijriyada ee 1260-kii una dhig anta 1843-dii sanadka miilaadiga ayaa Ciida maddii Yuusuf Maxamed waxa ay Weerareen degaanada Baardheere ku wareegsan,ayagoo gubay tuulooyinkii, waxaana laga guuleystay Sheekh C/raxmaan Shariif iyo Naa’ibkiisii Sheekh Ibraahim Shariif , waxaa la sheegay Iney bixiyeen oo ay badbaadiyeen ciidamadii Liisaanta ee ka tirsanaa isba heysiga Galadiga, inkastoo qoraalada qaar ay sheegayaan in la Dilay Saddaxdii Cisho ee dagaalkii MARDA ee lagu qabsaday Magaalada Baardheere.

Jabkaa ayaa la yiraa qeyb ahaan waxa u sabab ahaa Qabiilka Kablalax oo ugu hor eyn Bilaabay iney ka baxaan Baardheere oo Caruurtii iyo Haweenkii ay u Qaxsadeen Caanoole, ka dibna dad kii kale ayaa ku daysaday oo ayaguna qax bilaabay marki da mbena Magaaladii ayaa cagta la mariyay,lana gubay, Gubashadaa ka dib Baardheere Mudo 20-Sano ah ayey Cidlo Baaba’ ah ahayd oo aan Cidna Deganeyn Magaalada, FM Buugga Dr.Lee Bogga 144-aad iKLsla Bogga Wuxuu ku Muujinaa inaan Dagaallada Asraaru (Sixir) ka maqneyn isagoo leh Galadigu waxa ay safri jireen ma alinta Arbaca da waliba markii ay ku dhowaadeen Baardheere waxaa xayiray Wabiga Jubba, laakin halkaa waxey kula kulmeen Nin Wabiga Jiinkiisa Xukumi Jiray oo loo yaqiin Aw Ba xaar Iftiin Cali Nu row oo Yaxaasyada inuu Dadka ka Celiyo la aaminsanaa, wuxuuna u soo diray Suldaan Yuusufka Geledi Nin la shaqeeya oo Wabiga gudbiya loona yaqiin Baxaar Yuusuf C/raxmaan Badey, kaa oo ka gudbiyey yaxaasyadii Wabiga Jubba, Sul daan Yuusuf iyo Baxaar Yuusufna waxey gaareen Ba ardheere, Dr. Lee wuxuu leeyah ay taa ayaa keentay in dadka degaanku yiraa hdaan Baardheere la ba Yuusufaa qabat ay, Dr.Lee wuxuu ku daray Galadigu waxey ku tacdaarteen geed la yiraahdo Saleeli mo iyo saddex Haamood oo Shinni ka buuxdo oo lagu sii daayay ciidamadii reer Baar dheere intaan duulaanka lagu qaadin ( waa sida markaa la ‘aaminsanaaye).

ArrIntaasi waxey keentay in reer Baardheere Geedkaa ku tilmaamaan Geedkii Gaalo Sixirool ayda, Galadiguna Reer Baardheere waxey ku tilmaameen kuwo bedel aya Diintii Ab ka Ab lagu soo dhaqmayay, culumada reer Baardheerena ay yihin kuwo gaalo soo dirtay, si kastaba 40-kii Sano ee xigtay dagaaladii Baardheere, gudaha K/So omaaliya waxaa ka jiray xukunkii Galadiga, Gobolkaa oo Hodon ahaa min Baraawe ilaa Baardheere taa oo hodontinimadii iyo Cududii Galadiga sii kordhisay, waliba iyaga oo Ganacsiga Xamar ka tegayay ee Gudaha Shabeelle u socda Canshuur ka qaadi jir ay, taa oo loo yaqiin Canshuurta Difaaca sida ku qoran Buuga Dr. Lee Bogga 187aad. "Soo noq no qoshada taarikhda waxaa laga yaabaa in shalay Galadiga naftiisa Can shuurta difaaca looga qaado halkii ay ku gaadi jireen 130-sano ka hor.,sawirka 2aad na waa suldaankii Buula Mareer.

FG.qoraalkaan wixii khalad ku jira waad ka sixi kartaa,Dhaliili kartaa, wax ku dari kartaa, aragtidaa du waa muhim.

FG. Iga raali ahaaw haddii aad khalad ka dareen to Qormadee yd an iyo meelaha aan ka tix Raacay, waad sixi kartaa ,dhaliili kartaa, Aragtidaada ku Kordhin kartaa, Aragtidaadu waa muhim

Qore:- yahya Amir

Xigasho:-Somaliweyn.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip