Hay'adda NISA oo FBI-da u gacan gelisay Soomaali ka soo baxsaday Mareykanka

0
Saturday June 27, 2026 - 09:30:32 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 38
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda NISA oo FBI-da u gacan gelisay Soomaali ka soo baxsaday Mareykanka

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in magaalada Muqdisho lagu qabtay Abdikariim Abdelahi Eidleh, oo ka mid ahaa eedeysanayaasha ugu muhiimsan ee loo haysto fadeexaddii weynayd ee Feeding Our Future, taas oo lagu sheegay mid ka mid ah musuq-maasuqyadii ugu waaweynaa ee dhacay xilligii Covid-19.

 
 
 
 
Eidleh, oo ah Soomaali 42 jir ah, kana soo jeeda magaalada Burnsville ee gobolka Minnesota, ayaa la qabtay 25-kii June, sida ay shaacisay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Mareykanka ee gobolka Minnesota.

Dacwad-oogayaasha Mareykanka ayaa sheegay in Eidleh uu ka mid ahaa dadka "hagaha” ka ahaa qorshahan, kaas oo lagu eedeeyey in lagu dhacay boqolaal milyan oo dollar oo loogu talagalay barnaamij federaal ah oo carruurta lagu siin jiray cunto xilligii cudurka Covid-19.

 

Eidleh ayaa markii hore lagu soo oogay dacwad bishii September 2022, waxaana lagu soo eedeeyey 31 qodob oo ay ku jiraan khiyaano dhanka internet-ka ah, laaluush la xiriira barnaamij federaal ah iyo lacag dhaqid.

Illaa hadda ma cadda goorta loo gudbin doono Mareykanka si uu u wajaho dacwadaha loo haysto.

Doorka NISA

Hay’adaha Mareykanka ayaa faahfaahin badan ka bixin sida lagu helay Eidleh iyo qaabkii lagu qabtay, balse waxay sheegeen in howlgalka lagu soo qabtay ay iska kaashadeen FBI-da iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA.

Christopher D. Dotson, oo ah madaxa xafiiska FBI-da ee Minneapolis, ayaa sheegay in qabashada Eidleh ay muujineyso awoodda iskaashiga hay’adaha amniga ee Mareykanka iyo kuwa caalamka.

"Iskaashiga FBI-da la leedahay hay’adaha amniga ee dunida ayaa mar kale diraya farriin ah in gacanta FBI-da ay gaarto meel fog, isla markaana aan soo qaban doono cid kasta oo baxsad ah, meel kasta oo ay joogto,” ayuu yiri Dotson.

 

Wuxuu sidoo kale si gaar ah ugu mahadceliyey NISA.

"FBI-du waxay si dhab ah ugu mahadcelineysaa Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya dadaalkooda iyo iskaashigooda wanaagsan ee lagu helay laguna qabtay Eidleh, si cadaaladda loo horkeeno,” ayuu yiri.

Eedeymo culus

Feeding Our Future waxay ahayd hay’ad aan macaash doon ahayn oo fadhigeedu ahaa Minnesota, taas oo maamuli jirtay goobo cunto lagu siinayey carruurta iyada oo ka faa’iideysaneysay barnaamij federaal ah oo la ballaariyey xilligii Covid-19.

Dacwad-oogayaasha Mareykanka ayaa sheegay in dad ku xiran hay’addaas ay sameeyeen goobo been abuur ah oo lagu sheegay in maalin kasta lagu quudinayey kumannaan carruur ah, kadibna ay si sharci darro ah ku heleen lacagihii dowladda federaalka.

Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in Feeding Our Future ay furtay in ka badan 250 goobood, isla markaana si khiyaano ah loogu helay loona qaybiyey lacag ka badan 240 milyan oo dollar.

 

Dukumentiyada maxkamadda ayaa sheegaya in Eidleh uu ka shaqeynayey Feeding Our Future, isla markaana uu mas’uul ka ahaa qorista iyo taageeridda qaar ka mid ah goobihii ku hoos shaqeynayey hay’addaas.

Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in Eidleh iyo shaqaale kale ay qaadan jireen laaluush iyo lacag celin qarsoodi ah oo ay ka helayeen dad iyo shirkado doonayey in loo oggolaado inay maamulaan goobo cunto oo been abuur ah.

Sida ku cad eedeynta, Eidleh ayaa sidoo kale sameystay goobo isaga u gaar ah oo uu ku qariyey magacyo dad kale, wuxuuna sheegtay in goobahaas ay maalin kasta quudinayeen kumannaan carruur ah.

 

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu sameystay shirkado been abuur ah oo loo ekaysiiyey inay cunto ka iibinayeen goobahaas, kadibna uu gudbiyey biilal been abuur ah si uu u helo lacagaha barnaamijka federaalka.

Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in Eidleh uu ku shubtay in ka badan 5 milyan oo dollar akoonno ku xirnaa shirkado uu lahaa, si uu u qariyo halka ay lacagtaas ka timid.

Fadeexad weyn

Kiiskan ayaa ka mid noqday dacwadihii ugu waaweynaa ee musuq-maasuq ee laga furo gobolka Minnesota.

Bishii hore, Aimee Bock, oo ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Feeding Our Future, ayaa lagu xukumay 500 bilood oo xabsi ah, taas oo u dhiganta in ka badan 41 sano, kadib markii lagu helay doorkeedii hoggaamineed ee fadeexaddan.

Waxaa iyada lala xukumay Salim Said, oo horey uga mid ahaa milkiilayaasha maqaayadda Safari Restaurant ee Minnesota.

 

Dacwad-oogayaasha Mareykanka ayaa sheegay in shabakaddan ay si been abuur ah u sheegatay in malaayiin cunto ah la siiyey carruur baahan, balse lacagahaas loo weeciyey dano gaar ah.

Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka ayaa horey u sheegtay in 78 qof lagu soo oogay dacwado la xiriira baaritaanka Feeding Our Future, halka tobanaan kale lagu helay dambiyo ama ay qirteen.

Saraakiisha Mareykanka ayaa ku tilmaamay kiiskan mid ka mid ah kiisaskii ugu waaweynaa ee la xiriira musuq-maasuqa barnaamijyadii gargaarka Covid-19.

 

Eedeymaha loo haysto Eidleh weli waa dacwad maxkamadeed, waxaana uu sharciga Mareykanka u aqoonsan yahay qof aan dambi lahayn illaa maxkamad ay ku caddeyso.

XIGASHO:-CAASIMADDA.NET


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip