
Dhakhtar u dhashay Sacuudiga oo xabsi daa'in lagu xukumay gudaha Jarmalka
Maxkamadda Magaalada Magdeburg ayaa Taleb Al Abdulmohsen ku heshay in uu ka masuul ahaa weerar 20-kii bishii December ee sanadkii 2024 lagu qaaday suuq laga dukaameysto xilliga Kirismiska (Christmas-ka) oo ku yaala magaaladaasi, iyadoo ayna weerarka ku dhinteen lix qof, boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa dhakhtarka u dhashay Sacuudiga ku soo eedeeyay inuu dilay wiil sagaal jira iyo shan dumar ah oo da’doodu u dhaxeyso 45 illaa 75.
Saraakiisha laamaha amniga ayaa sheegay in dhakhtarka ku takhasusay daweynta xanuunka dhimirka uu horey u jeediyay hadalo liddi ku ah Islaamka.
Weerarka ayaa waxa uu argagax geliyay dadka dalkaasi, wuxuuna kiciyay xiisad lagaga soo horjeedo dadka soo galootiga.
Taleb Al Abdulmohsen oo 51 jir ah ayaa inta noloshiisa ka dhiman ku dhameysan doona xabsiga, mana lahan fursadda sii-deynta sharafeed, sida ku cad xukunka maxkamadda.
Tani ayuu macnaheedu yahay in uu wajihi doono xabsi aad u dheer oo joogto ah, si loogu ciqaabo naxariis darrada dembiga uu gaystay.


0 




Dhakhtar u dhashay Sacuudiga oo xabsi daa'in lagu xukumay gudaha Jarmalka
.