Booliska Soomaaliya oo Xoojiyay Howlgallada Ka Dhanka ah Faafinta Anshax-xumada

0
Saturday June 27, 2026 - 08:46:48 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 58
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Soomaaliya oo Xoojiyay Howlgallada Ka Dhanka ah Faafinta Anshax-xumada

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sare u qaaday howlgallada lagu bartilmaameedsanayo dadka lagu eedeeyo faafinta waxyaabaha ka hor imanaya anshaxa iyo dhaqanka bulshada, iyagoo sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata falalkaas.

    War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in Ciidanka Booliska Caasimadda ay gacanta ku dhigeen Maxamed Jibriil Cabdi, oo lagu eedeeyay inuu bartiisa TikTok ku baahiyay muuqaallo ay boolisku ku tilmaameen kuwo anshax-xumo ah oo ka hor imanaya dhaqanka suubban ee bulshada.

 

      Booliska ayaa sheegay in eedeysanaha uu haatan ku jiro gacantooda, isla markaana la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh dacwaddiisa si sharciga loo waafajiyo.

      Sidoo kale, Booliska Caasimadda ayaa digniin u diray dhallinyarada, iyagoo ugu baaqay inay ka fogaadaan falalka lagu tilmaamay anshax-xumada. Waxay xuseen in qof kasta oo lagu eedeeyo falal la mid ah kuwaas laga qaadi doono tallaabo sharci oo adag, lana horgeyn doono maxkamadda ku shaqada leh.



 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip