
Mareykanka oo duqeymo kq fuliyay Iran.
.
Milatariga Mareykanka ayaa duqeymo ku qaaday bartilmaameedyo Iiraan ah ka dib markii Madaxweyne Donald Trump uu ku eedeeyay Iiraan "jabin doqonnimo ah” oo ay kula kacday xabbad-joojintii u dhexaysay, taas oo ka dambaysay weerar lagu qaaday markab xamuul ah oo marayay Marinka Hormuz.
Ma jirin wax khasaare ah oo laga soo sheegay markii markabka ay haleeshay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee ismiidaamisa ah, dhacdadaas oo keentay qorshe lagu daadgureynayo kumanaan badmaaxayaal ah oo ku xayirmay.
Taliska Dhexe ee Mareykanka (Centcom) ayaa sheegay jawaab celin hawshaas ah in maalintii Jimcaha inay weerareen goobihii lagu kaydinayay gantaalaha iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo weliba saldhigyada raadaarka ee xeebaha. Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa ku eedeeyay Mareykanka iyo Israa’iil.
Waxyar ka hor intaan lagu dhawaaqin duqeymaha, Trump ayaa yiri "waad arki doontaan” markii la weydiiyay in Mareykanku uu ka aarsan doono oo weeraryo Iiraan. Taliska Dhexe ee Mareykanka – ama Centcom – ayaa ku sifeeyay duqeymahaas "jawaab xooggan” oo laga bixiyay weerarkii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.


0 




Mareykanka oo duqeymo kq fuliyay Iran.
.