
R/W ku-xigeenka Soomaaliya oo laga soo tarxiilay Kenya kadib markii lagu qabtay…
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Jibril Cabdirashiid Xaaji, ayaa laga masaafuriyey Kenya kadib markii saraakiisha socdaalka ee dalkaas ay shaki geliyeen sax ahaanshaha baasaboor Kenyan ah oo la sheegay inuu watay, sida uu qoray wargeyska The Standard ee ka soo baxa Nairobi.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in mas’uulkan uu watay baasaboor diblomaasi oo Soomaali ah, kaas oo shaqeynaya illaa 18-ka September 2029, isla markaana uu soo bandhigay fiise sax ah markii lagu guda jiray hubinta caadiga ah ee socdaalka.
"Intii lagu jiray hubinta caadiga ah ee socdaalka, waxaa laga shakiyey inuu si sharci darro ah ku helay baasaboor Kenyan ah. Markii laga codsaday inuu wareejiyo, wuu diiday, wuxuuna sheegay inuu kaliya ku soo bandhigi karo maxkamad,” ayaa lagu yiri warbixin boolis oo uu soo xigtay The Standard.
Kadib su’aalaha la weydiiyey, Jibril ayaa loo qaaday qeybta VIP-da ee Terminal 2, halkaas oo ay hay’adaha socdaalka iyo ammaanka Kenya ku wadeen baaritaanka arrinta la xiriirta dukumentiga lagu muransan yahay.
Ilaa hadda dowladda Kenya si rasmi ah ugama hadlin sababta keentay in Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya dib loogu celiyo dalkiisa, mana cadda haddii hay’adaha Kenya ay wadaan baaritaan dheeraad ah oo ku saabsan baasaboor-ka Kenyan-ka ah ee lagu sheegay inuu watay.
Sidoo kale dowladda federaalka Soomaaliya weli kama aysan soo saarin wax war rasmi ah dhacdadan, oo imanaysa xilli xiriirka Muqdisho iyo Nairobi uu muhiim u yahay arrimaha amniga, ganacsiga iyo isu socodka labada dal.
Kenya ayaa sanadihii la soo dhaafay dhowr jeer sheegtay inay la tacaaleyso kiisas ku saabsan ajaaniib si sharci darro ah ku helay aqoonsiyo iyo dukumentiyo Kenyan ah, iyadoo musuq-maasuq lagu tilmaamo mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan nidaamka diiwaangelinta dalkaas.


0 



R/W ku-xigeenka Soomaaliya oo laga soo tarxiilay Kenya kadib markii lagu qabtay…
.