
DF Soomaaliya oo ku dhawaaqday inuu bilowday…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in uu bilowday xilliga bad-xiranka oo ah xilli ay ka jiraan mowjado iyo dabeylo xooggan oo saameeya Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed, kuwaas oo khatar gelin kara isu-socodka iyo howlaha ka socda badda.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in muddada bad-xiranka ay socon doonto laga bilaabo 1-da Juun ilaa 15-ka Sebteembar 2026, iyadoo muddadaas la filayo in xaaladaha cimilada badda ay noqdaan kuwo aad u adag.
Wasaaraddu waxay ku wargelisay ganacsatada, kalluumeysatada, milkiilayaasha gaadiidka badda iyo dhammaan dadka ku tiirsan howlaha badda inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah inta lagu jiro muddadaas, si looga hortago khataraha ka dhalan kara cimilada.
Sidoo kale, shacabka Soomaaliyeed ayaa looga digay inay ku dabaashaan badda muddadaas, iyadoo wasaaraddu ay sheegtay in xaaladda badda ay sababi karto halis naf iyo hantiyeed oo ka dhalata isbeddellada cimilada iyo kacdoonka hirarka.
Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa sheegtay in ujeeddada digniintan ay tahay ilaalinta nolosha dadka iyo hantidooda, iyadoo la tixgelinayo khataraha la xiriira cimilada badda ee xilligan sannad kasta soo noqnoqda.


0 





DF Soomaaliya oo ku dhawaaqday inuu bilowday…
.