Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo Ka Hadlay Diidmada Gelitaanka Garsoore Cumar Cartan ee Mareykanka

0
Tuesday June 09, 2026 - 13:34:36 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 42
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo Ka Hadlay Diidmada Gelitaanka Garsoore Cumar Cartan ee Mareykanka

    ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa si weyn uga xumaaday, isla markaana muujiyay murugo la xiriirta xaaladda sababtay in garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdulqaadir Aadan (Cumar Cartan), uu awoodi waayo inuu sii wato safarkiisa uu ugu socday dalka Mareykanka, halkaas oo uu uga qayb geli lahaa Koobka Adduunka FIFA 2026.

 

Xiriirku wuxuu sheegay in magacaabista Cumar Cartan ee ka mid noqoshada garsoorayaasha loo xushay inuu ka garsooro Koobka Adduunka FIFA ay ahayd dhacdo taariikhi ah oo Soomaaliya u soo hoyatay, Waxa uu noqon lahaa garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee ka qayb qaata tartanka ugu weyn kubadda cagta adduunka.

Guushan taariikhiga ah ayaa lagu sheegay in ay ka dhalatay sannado badan oo uu ku bixiyay dadaal joogto ah, xirfad sare, hufnaan, daacadnimo iyo bandhigyo heer caalami ah oo uu ka sameeyay garoomada kubadda cagta.

Xiriirku wuxuu sidoo kale xusay in Cumar Cartan uu sanadkan ku muteystay abaalmarinta Garsooraha Sanadka Afrika ee CAF 2025, taas oo lagu tilmaamay mid caddeyn u ah kaalinta sare ee uu kaga jiro garsoorayaasha ugu magaca iyo maamuuska badan qaaradda Afrika.

Ilaa iyo hadda, Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ma hayo wax xog rasmi ah oo si cad u sharraxaysa sababaha dhabta ah ee keenay xaaladdan, sidaas darteedna wuxuu sheegay in aysan habboonayn in la sameeyo mala-awaal ama gunaanad degdeg ah ilaa xaqiiqooyin rasmi ah la helo.

 

Xiriirku wuxuu tixgelinayaa warbixinnada kala duwan ee la xiriira arrintan, isagoo sheegay in uu weli wado xiriir dhow oo uu la leeyahay hay’adaha ay khuseyso si loo helo xog dheeraad ah iyo faham buuxa oo ku saabsan duruufaha ku xeeran dhacdadan.

Ugu dambeyn, Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa si buuxda u garab istaagay Cumar Cartan, isagoo u muujiyay taageero iyo midnimo buuxda, wuxuuna sheegay in guulihiisa iyo safarkiisa xirfadeed ay weli yihiin il sharaf iyo tusaale u ah Soomaaliya, gobolka CECAFA, guud ahaan kubadda cagta Afrika iyo dhalinyarada.

Sidoo kale, Xiriirku wuxuu uga mahadceliyay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, xiriirrada kubadda cagta, ururrada qaaradeed, garsoorayaasha, maamulayaasha, ciyaartoyda iyo taageerayaasha caalamka oo muujiyay taageero iyo garab istaag.

Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo Ka Hadlay Diidmada Gelitaanka Garsoore Cumar Cartan ee Mareykanka




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip