General Caare oo maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho

0
Sunday July 24, 2016 - 20:08:17 in Wararka by
  • Visits: 509
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    General Caare oo maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho

    Allaha u naxariistee General C/raxmaan Warsame Cilmi (Caare) oo ka tirsanaa Saraakiishii Militariga Somaliya, ayaa waxaa uu maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaha u naxariistee General C/raxmaan Warsame Cilmi (Caare) oo ka tirsanaa Saraakiishii Militariga Somaliya, ayaa waxaa uu maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

General C/raxmaan Warsame Cilmi oo muddooyinkanba ku xanuunsanaayay Magaalada Muqdisho, ayuu Alle maanta oofsaday.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid General Caare, iyadoona uu tacsi u diray qoyska iyo eheladii uu ka baxay.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, ayaa General Caare ku tilmaamay shakhsi naftiisa iyo waqtigiisaba u huray, sidii loo horumarin lahaa Ciidanka Xoogga Dalka.

"General Caare waxa uu ahaa shakhsi naftiisa, waqtigiisa iyo cilmigiisaba u huray sidii loo horumarin lahaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, dib u dhisna loogu samayn lahaa.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Sharmaarke oo hadalkan ku War Saxaafadeed.

Sarkaalkan oo lixdanmeeyadii qortay ciidanimada, ayaan laga faa’iideysan qibradiisii ciidanimo, waxaana uu ka mid ahaa Saraakiisha fara turiska ee dalka ku nagaatay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip