Qarax khasaare culus gaystay oo ka dhacay xadka Somalia iyo Kenya

0
Thursday May 28, 2026 - 17:44:46 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 39
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax khasaare culus gaystay oo ka dhacay xadka Somalia iyo Kenya

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxa culus oo maanta ciidamo ka tirsan kuwa Kenya lagula eegtay agagaarka xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo ay u dhigeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

 

Qaraxa oo ahaa miino ayaa si gaar ah uga dhacay duleedka Dhadhaab, waxaana lala beegsaday kolonyo ay wateen ciidamada Kenya, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxa uu si gaar uga dhacay waddo ku taal deegaan hoostaga xadka labada dal, iyada oo lasoo wariyay in gebi ahaan uu basbeelay gaariga uu qabsaday qaraxa oo ay saarnaayeen ciidan Kenyaan ah.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay ugu yaraan 4 askari oo uu ku jiro sarkaal sare, halka ay ku dhaawacmeen 11 kale oo saarnaa baabuurka la qarxiyay.

Maydadka askarta iyo kuwa dhaawacmay ayaa goobta looga daabulay gaadiid, iyada oo la geeyay qaybo kamid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan qaraxa loo adeegsaday, waxayna shaacisay in howlgalka uu u dhacay sidii loogu talagalay.

Weerarkan ayaa ku soo aaday, xilli ay ciidamada Kenya ay wadeen roondo amni oo ka dhan ah dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, si ay uga hortegaan suurtagalnimada weeraro ka dhaca xadka.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fulisa gobolka Waqooyi Bari iyo deegaanada u dhow xadka Soomaaliya.

 

Police officers stand near a cordon at the scene where police are exhuming bodies of victims of Christian cult that has led to death of dozens of followers, at a forest in Shakahola area, outskirts of Malindi town, Kenyan Coast Tuesday, April 25, 2023. Kenya's president William Ruto said Monday that the starvation deaths of dozens of followers of pastor Paul Makenzi, who was arrested on suspicion of telling his followers to fast to death in order to meet Jesus, is akin to terrorism (AP Photo)



 
 
 


 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip