Aadan Madoobe oo si adag ugu Jawaabay Lafta gareen.

0
Friday May 29, 2026 - 13:47:49 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 19
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aadan Madoobe oo si adag ugu Jawaabay Lafta gareen.

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Musharaxa Madaxweynaha urur siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa si adag uga jawaabay hadallo dhowaan kasoo yeeray madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, CabdicasiisLaftagareen, kuwaas oo la xiriiray xaaladda amniga iyo doorka dowladda ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

 

"Dowladdu waajib ayaa ka saaran sugidda amniga shacabka, Waxaa khaldan in dhalinyarada la marin habaabiyo ama lagu dhiirrigeliyo hadallo niyad jab ku abuuri kara bulshada,” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka.

 

Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka lagula jiro Al-Shabaab uu weli socdo, islamarkaana aysan jirin cid si gaar ah loogu eedeyn karo xaaladaha amni ee jira.

 

Wuxuu ku baaqay in siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay muujiyaan masuuliyad dheeraad ah, kana fogaadaan hadallo uu ku tilmaamay kuwo kala fogeyn kara bulshada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip