Dowladda Maraykanka oo xirtay labo haween Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay lunsasho dhaqaale.

0
Thursday May 28, 2026 - 16:48:50 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 64
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Maraykanka oo xirtay labo haween Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay lunsasho dhaqaale.

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in la xiray laba haween ah oo Soomaali ah oo degan Minnesota, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin khiyaano lala xiriirinayo barnaamijka Autism-ka.

 

Shamso Ahmed Hassan iyo Hanaan Mursal Yusuf ayaa loo haystaa inay soo gudbiyeen lacago been abuur ah oo gaaraya in ka badan $46 milyan, halka ay sidoo kale dhaqeen ilaa $21 milyan oo ka mid ah lacagtaas, sida ay sheegeen xeer-ilaaliyeyaasha federaalka.

Sida ku xusan dukumentiyada maxkamadda, labada haween ayaa ka shaqeynayay barnaamij caafimaad oo lagu taageero carruurta qabta Autisiimka. Intii u dhaxeysay May 2020 ilaa Disembar 2024. Waxaa la sheegay inay soo gudbinayeen biilal been ah oo adeegyo aan jirin ah, isla markaana adeegyada qaar ay bixiyeen shaqaale aan u qalmin.

Xeer-ilaaliyeyaasha Maraykanka waxay sidoo kale sheegeen in qoysaska loo ballanqaaday lacago dhiirrigelin ah oo u dhaxeysay $300 ilaa $1,500 bishii si carruurtooda loogu diiwaangeliyo nidaamka.

Xeer ilaalintu waxay kaloo sheegtay in lacagta lagu helay si sharci-darro ah lagu wareejiyay hanti iibsi iyo xawilaado lacageed oo loo diray Kenya, sida lagu sheegay eedeymaha xeer ilaalinta.

 

Kiiskan ayaa ka mid ah 15 eedeysane oo la xiriira waxa xeer-ilaaliyeyaashu ku tilmaameen mid ka mid ah khiyaanadii ugu ballaarneyd ee taariikhda barnaamijka autism-ka, iyadoo khasaaraha guud lagu qiyaasay in ka badan $90 milyan.

Dowladda Maraykanka oo xirtay labo haween Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay lunsasho dhaqaale.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip