
Donald Trump oo weerar afka ah ku qaaday Soomaalida iyo Ilhan Omar
Madaxweynaha Maraykanka ee Donald Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday qaxootiga Soomaalida iyo xildhibaanadda Ilhan Omar intii uu socday kulan ay lahaayeen golaha wasiirrada Puntland.
Madaxweyne Trump ayaa ku celceliyay eedeymo been abuur ah iyo hadallo kicin ah oo uu u jeediyay bulshada Soomaalida ee gobolka Minnesota.
Trump ayaa Soomaalida ku tilmaamay dad musuqmaasuq badan, isagoo si gaar ah u weeraray Ilhan Omar oo ah xildhibaanad Soomaali Mareykan ah oo laga soo doorto Minnesota.
"Waxa Soomaalidu ku sameeyeen Minnesota waa wax musuqmaasuq ah. Ilhan Omar-na sidoo kale waa musuqmaasuq. Dhammaantood waa tuugo, waana qabanay. Hadda tallaabo adag ayaan ka qaadaynaa,”ayuu yiri Trump.
Hadaladan ayaa imanaya xilli maamulka Trump uu sii adkeynayo siyaasadaha socdaalka iyo tallaabooyinka lagu bartilmaameedsanayo muhaajiriinta, gaar ahaan Soomaalida ku nool Minnesota oo ah gobolka ay Soomaalida ugu badan ku nool yihiin Maraykanka.
Soomaali badan oo ku nool Minnesota ayaa ka cabsi qaba in hadalladan ay sii kordhiyaan naceybka iyo cadaadiska lagu hayo muhaajiriinta iyo bulshada Muslimiinta ah.
Ilhan Omar ayaa hore uga jawaabtay hadallada Trump, iyadoo sheegtay in madaxweynuhu marar badan adeegsaday hadallo cunsuriyad, naceyb ajaaniib iyo Islaam naceyb ku saleysan.


0 




Donald Trump oo weerar afka ah ku qaaday Soomaalida iyo Ilhan Omar
.