
Bulshada Rayidka oo ugu baaqday Dowladda iyo Mucaaradka in si daah furan ay u wada hadlaan
Shirka Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee diiradda lagu saaray dowlad-wanaagga iyo xasilloonida siyaasadeed ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, kaddib kulan socday intii u dhexeysay 3 ilaa 5 May 2026.
Shirkan oo ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka, sida culimada, dalladaha bulshada rayidka, haweenka, dhalinyarada, dadka naafada ah, warbaahinta, aqoonyahannada iyo odayaasha dhaqanka, ayaa si qoto dheer looga dooday xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha dastuurka, doorashooyinka iyo xasilloonida qaranka.
War-saxaafadeed laga soo saaray shirka ayaa lagu muujiyay walaaca laga qabo khilaafaadka siyaasadeed ee jira iyo saameynta ay ku yeelan karaan dowlad-dhiska, midnimada dalka iyo xuquuqda muwaadiniinta.
Bulshada rayidka ayaa carrabka ku adkeeyay in wadahadal furan oo loo dhan yahay uu yahay waddada kaliya ee xal waara lagu gaari karo, iyagoo ugu baaqay dhinacyada siyaasadda inay ka shaqeeyaan is-afgarad qaran.
Sidoo kale, ka qeybgalayaashu waxay isku raaceen muhiimadda ay leedahay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, balse ay lagama maarmaan tahay in lagu saleeyo hannaan hufan, cadaalad ah, isla markaana lagu heshiiyey si loo helo kalsoonida shacabka.
Ugu dambeyn, bulshada rayidka Soomaaliyeed waxay caddeeyeen diyaar u ahaanshahooda in ay door firfircoon ka qaataan fududeynta wadahadallada, dhisidda kalsoonida iyo taageeridda geeddi-socodka doorashooyin xor iyo xalaal ah oo dalka ka qabsooma.




0 




Bulshada Rayidka oo ugu baaqday Dowladda iyo Mucaaradka in si daah furan ay u wada hadlaan
.