Dowladda Maraykanka oo baaritaan ugu dhaqaaqday xarumo ganacsi oo badankood lala xiriirinayo Soomaalida Minneapolis

0
Wednesday April 29, 2026 - 16:19:21 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 54
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Maraykanka oo baaritaan ugu dhaqaaqday xarumo ganacsi oo badankood lala xiriirinayo Soomaalida Minneapolis

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Saraakiisha federaalka ee Mareykanka, oo ay ku jiraan FBI, ayaa howlgal baaris ah ku qaadday in ka badan 20 ganacsi oo ku yaalla Minneapolis, kuwaas oo badankood lala xiriirinayo bulshada Soomaalida, sida ay sheegtay waaxda Caddaaladda.

 

Howlgalladan ayaa qayb ka ah baaritaan lagu sameynayo eedeymo ku saabsan in si khaldan loo isticmaalay lacagaha federaalka, gaar ahaan barnaamijyo taageero bulsho ah sida daryeelka carruurta iyo adeegyada guryeynta.

Maamulka ayaa sheegay in baaritaanku weli socdo, isla markaana aan weli si rasmi ah loo shaacin dhammaan faahfaahinta ama cidda lagu soo oogayo dambiyada.

Howlgalladan, oo lagu fuliyay amar maxkamadeed, ma ahayn kuwo la xiriira la-dagaallanka socdaalka sharci darrada ah. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Caddaaladda ayaa sheegay in hay’adda FBI ay la shaqeynayeen hay’ado kale oo heer federaal, gobol iyo degmo si loo fuliyo baaritaanka socda.

Ugu yaraan 22 amar oo baaritaan ah ayaa laga fuliyay meelo kala duwan oo Minnesota ah, inkasta oo aan weli la caddeyn tirada guud ee goobaha la beegsaday. Ilaa hadda lama shaacin cid la xiray ama dacwado la soo oogay.

Qaar ka mid ah goobaha la baaray ayaa ahaa xarumo bixiya adeegyada autism-ka, sida ay sheegtay Shireen Gandhi, oo ah madaxa adeegyada bulshada ee gobolka. Waxay tilmaantay in tallaabadani muhiim u tahay qoysaska ku tiirsan adeegyadaas iyo canshuur-bixiyeyaasha ka careysan ku-takrifalka nidaamyada bulshada.

 

Mid ka mid ah goobaha la baaray ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa xarunta Somali Senior Center and Adult Day Services, halkaas oo lagu arkay ciidamada ammaanka oo gudaha iyo dibadda u kala socda.

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maraykanka ayaa sheegtay in howlgalladu la xiriireen "musuqmaasuq baahsan oo lagu sameeyay lacagaha canshuur-bixiyeyaasha,” iyagoo ballanqaaday inay sii wadi doonaan baaritaanka.

Guddoomiyaha gobolka Minnesota, Tim Walz, ayaa bogaadiyay iskaashiga hay’adaha, isagoo sheegay in baaritaannadu ka dhasheen warbixinno laga helay hay’adaha gobolka oo arkay dhaqdhaqaaqyo aan caadi ahayn.

Baaritaannadan ayaa imanaya iyadoo hore loo soo bandhigay fadeexado waaweyn oo la xiriira musuqmaasuq, oo ay ku jiraan kiiskii ururka Feeding Our Future, kaas oo sababay dacwado badan oo lagu soo oogay dad kala duwan.

Hay’adda Adeegyada Bulshada ee Minnesota ayaa sheegtay inay xoojisay kormeerka barnaamijyada la xiriira horumarinta carruurta, islamarkaana ay kordhisay kormeerro iyo baaritaanno lagu sameeyo bixiyeyaasha adeegyada si looga hortago musuqmaasuqa mustaqbalka.

Dowladda Maraykanka oo baaritaan ugu dhaqaaqday xarumo ganacsi oo badankood lala xiriirinayo Soomaalida Minneapolis




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip