Farmaajo oo ka digay khatar sharci oo ka dhalan karta dhammaadka muddo xileedka Baarlamaanka....

0
Tuesday April 14, 2026 - 12:40:42 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 46
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo oo ka digay khatar sharci oo ka dhalan karta dhammaadka muddo xileedka Baarlamaanka....

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay gashay marxalad xasaasi ah oo u baahan feejignaan dheeri ah.

Farmaajo ayaa tilmaamay in muddadii xil-heynta Baarlamaanka Federaalka ay si rasmi ah u dhammaatay maanta, 14-ka Abriil 2026, sida uu dhigayo Dastuurka Kumeelgaarka ah ee dalka.

Wuxuu xusay in dhammaadka muddadaas uu imaanayo iyadoo aan weli la soo dhisin Baarlamaan cusub, taasoo abuuri karta jahwareer sharci iyo mid dowladnimo.

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Baarlamaanku yahay hay’adda ugu muhiimsan ee sharci-dejinta iyo kormeerka dowladda, isla markaana maqnaanshihiisu keeni karo khatar ku timaadda kala dambeynta iyo hannaanka dowladnimada.

Dhanka kale, Farmaajo ayaa xusay in muddo-xileedka Madaxweynaha uu ka harsan yahay 31 maalmood oo keliya, taasoo sii kordhinaysa culayska siyaasadeed ee jira.

Wuxuu ku baaqay in si deg-deg ah loo qabto doorashooyin hufan oo lagu kalsoonaan karo, si looga fogaado qalalaase siyaasadeed iyo khilaaf sharci.

Ugu dambeyn, Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxda dowladda iyo saamileyda siyaasadda in ay ilaaliyaan dastuurka iyo nidaamka dowladeed, si dalka looga badbaadiyo xaalad hubanti la’aan ah.

Farmaajo oo ka digay khatar sharci oo ka dhalan karta dhammaadka muddo xileedka Baarlamaanka

Farmaajo oo ka digay khatar sharci oo ka dhalan karta dhammaadka muddo xileedka Baarlamaanka




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip