Ciidanka Qaranka iyo kuwa Jubbaland oo howlgal ka wada Jubbooyinka
.
Sidoo kale, ciidamadu waxay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ciidan oo ay ka mid yihiin qoryaha BKM, RPG iyo AK-47, iyo miinooyin ay argagixisadu damacsanaayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Amniga Jubbaland, ayaa howlga
l ballaaran ka wada deegaanno ka tirsan gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe. Howlgalladan ayaa si gaar ah uga socda deegaanno hoostaga degmooyinka Jilib, Xagar iyo Afmadow, waxaana ka mid ah goobaha ay ciidamadu cagta mariyeen deegaannada Waraha Qalley, Farshabeel, Jigees, Qaawiley iyo Weelmaarow.
Intii ay socdeen howlgaladan dhulka ah, waxaa barbar socday duqeymo dhanka cirka ah oo ay taageerayeen saaxiibbada caalamka, kuwaas oo si wax ku ool ah u xoojiyay beegsiga maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanayay deegaannadaas.
Howlgalka ayaa lagu gaarsiiyay Al-Shabaab jab xooggan, iyadoo la dilay 27 dhagarqabe, oo ay ku jiraan xubno muhiim u ahaa kooxda argagixisada.
Sidoo kale, ciidamadu waxay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ciidan oo ay ka mid yihiin qoryaha BKM, RPG iyo AK-47, iyo miinooyin ay argagixisadu damacsanaayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay sii wadaan howlgallada lagu baacsanayo haraadiga Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo amniga, xasilloonida iyo badbaadada shacabka ku nool deegaannada Jubbooyinka.
Halkaan ka akhriso war saxaafadeedka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

0 

Ciidanka Qaranka iyo kuwa Jubbaland oo howlgal ka wada Jubbooyinka
.