CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

0
Monday March 30, 2026 - 12:35:37 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 55
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn ah ayaa gaaray magaalada Baydhabo, ka dib markii ay waddada dheer ka sifeeyeen maleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa.

Dhinaca kale, saraakiisha amniga ayaa gudaha magaalada Baydhabo ka wada hawlgallo lagu xaqiijinayo amniga, ka dib markii laga saaray magaalada maleeshiyaad uu marin-habaabiyay hoggaamiyihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, gudaha magaalada waxaa kula kulmay shacabka Baydhabo, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ay wehliyaan qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Koonfur Galbeed oo horay uga soo horjeestay xadgudubyadii maamulkii hore iyo xiriirkii lala yeeshay Khawaarijta.

Boqolaal ka mid ah shacabka Baydhabo ayaa gudaha iyo daafaha magaalada kusoo dhaweeyay Ciidamada Qaranka, iyagoo muujinaya sida ay ugu faraxsan yihiin in laga xoreeyay maleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa iyo kuwii xiriirka la lahaa.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip