Dagaal xooggan oo ka socda Deynuunay

0
Sunday March 29, 2026 - 10:14:16 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 48
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal xooggan oo ka socda Deynuunay

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Dagaal culus ayaa maanta ka qarxay aagagga deegaanka Daynuunaay oo u dhow magaalada Baydhabo, kadib markii ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay isku dhaceen dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay jid gooyo ku sameysay ciidamadan oo qorsheynayay inay u gudbaan dhanka Baydhabo, taasoo keentay iska horimaad toos ah oo halkaas ka qarxay.

 

Sidoo kale, wararka ayaa tilmaamaya in dagaalka ay qeyb ka yihiin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay leedahay dowladda Turkiga, kuwaas oo taageero cirka ah siinaya ciidamada dowladda.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la soo werinayaa inuu soo gaaray labada dhinac ee dagaalamaya, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin tirada khasaaraha.

Xaaladda goobta dagaalka ayaa weli kacsan, iyadoo dhaqdhaqaaqyo militari ay ka socdaan deegaankaas iyo nawaaxigiisa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip