
Madaxweyne Xasan Sheekh oo si adag u difaacay doorashada qof iyo codka ah, isagoo sheegay in aan laga laaban doonin
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa si kulul u difaacay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, isagoo sheegay in dalka uu ka gudbay nidaamkii doorashada dadban ee muddo dheer lagu soo dhaqmi jiray.
Madaxweynaha ayaa sheegay in heshiisyo badan oo hore loo galay ay si cad u qeexayaan qaabka doorashada, guddiyada iyo nidaamka la doonayo in dalka lagu hago, balse ay jiraan siyaasiyiin ka laabtay ballanqaadyadii ay hore u saxiixeen.
"Doorasho dad ban haddaad maqasho, waa dad aan anigu leeyahay aan dambiil ku soo rito. Waxaa ka hor taagan yahay waa dadka danihiisa," ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.
"Waxaa jira in ka badan labaatan heshiis oo la saxiixay, kuwaas oo khuseeya doorasho qof iyo cod ah, qaabka doorashada iyo dhismaha guddiyada,” ayuu yiri madaxweynuhu, isagoo intaas ku daray in dib loogu noqdo doorashada dadban aysan macquul ahayn.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah u dhaliilay siyaasiyiin uu ku eedeeyay inay doorbidayaan nidaam ku dhisan shaqsiyaad, halkii ay ka dhisi lahaayeen hay’ado iyo nidaam sharciyeysan. Wuxuu sheegay in mustaqbalka dalka aan lagu go’aamin karin "rabitaanka qof ama koox yar”.
Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in xildhibaannadu ay yihiin wakiillo ka socda shacabka, isla markaana aan lagu soo xuli karin rabitaanka siyaasiyiin gaar ah, balse ay tahay in shacabka la siiyo fursad ay codkooda ku dhiibtaan.
"Doorashada dadban waa laga yimid, waa dhamaatay,” ayuu mar kale ku celceliyay madaxweynuhu, isagoo ku booriyay shacabka Soomaaliyeed inay kalsooni ku qabaan hay’adahooda iyo dowladdooda.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dhaqaalaha lagu bixiyay hirgelinta doorashada qof iyo cod ah uu yahay mid gudaha dalka laga keenay, isagoo xusay in "hal shilin oo ajnabi bixiyay uusan jirin” si loo taageero qorshahan.
Ugu dambeyn, Hassan Sheikh Mohamud ayaa ku baaqay in dalka hore loo sii wado, isagoo xusay in Soomaaliya aysan awoodin inay ku sii nagaato halkii ay taagnayd tan iyo burburkii dowladdii dhexe sanadkii 1991.


0 




Madaxweyne Xasan Sheekh oo si adag u difaacay doorashada qof iyo codka ah, isagoo sheegay in aan laga laaban doonin
.