
Trump oo 10 maalmood ku kordhiyay hakinta weerarada Iiran
Waxa kale oo uu sheegay in wada-hadallada u dhexeeya Maraykanka iyo Iran ay weli socdaan.
Qoraalka uu Trump ku daabacay bartiisa ayaa waxa uu u qornaa sidan;"Codsi ka yimid Dowladda Iiraan awgeed, fadlan bayaankan waa mid aan ku muujinayo inaan hakiyay muddadii burburinta xarumaha tamarta muddo 10 maalmood ah ilaa Isniin, Abriil 6, 2026, saacadda 8 fiidnimo waqtiga Bariga. Wada-hadalladuna way socdaan, inkasta oo ay jiraan hadallo khaldan oo ay faafiyeen warbaahinta oo been abuur ah iyo waxyaabo kale, haddana si wanaagsan ayay u socdaan. Waad ku mahadsan tihiin sida aad arrintaan ula socoteen oo aad”! Madaxweyne DONALD J. TRUMP”
Dhinaca kale, Madaxweyne Donald Trump ayaa u sheegay Fox News in Iran ay markii hore ka codsatay inuu joojiyo duqeymaha goobaha tamarta ee dalkaas muddo toddobo maalmood ah, balse uu go’aansaday inuu siiyo 10, taasoo ka dhigaysa kama dambaysta ah 6-da Abriil.
"Waxay ii sheegeen si aad u wanaagsan, iyaga oo soo dhex maraya dadkayga, ‘Ma heli karnaa wakhti dheeraad ah?’ Sababtoo ah waxaan ka hadlaynaa habeen dambe, oo aad u dhaqso badan, haddii aysan samaynin arrintaasna, waxaan dumin doonaa warshadahooda korontada,” ayuu yiri Trump.
Trump wuxuu sheegay in saraakiisha Iran ay aad uga mahadcelinayaan taas.
Markii ugu horeysay ee Trump uu ku hanjabay inuu weerari doono goobaha tamarta Iran, wuxuu sheegay in Iiran ay haysto 48 saacadood oo kaliya inay ku furto marin biyoodka Hormuz. Kadib waxa uu dib u dhigay wakhtigaa kama dambaysta ah shan maalmood, ilaa Jimcaha, ka hor inta uusan dib dhigin mar kale maanta. Hase yeeshee Iiraan waxa ay dhowr mar beenisay inay wax codsi ah ay u dirtey dowlada Maraykanka.


0 



Trump oo 10 maalmood ku kordhiyay hakinta weerarada Iiran
.