Golaha Islaamka Maraykanka oo cambaareysay hadallo cunsuriyad ah oo ka soo yeeray Donald Trump oo lagu beegsaday Soomaalida

0
Friday March 27, 2026 - 11:26:28 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 60
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Islaamka Maraykanka oo cambaareysay hadallo cunsuriyad ah oo ka soo yeeray Donald Trump oo lagu beegsaday Soomaalida

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ururka Xiriirka Golaha Islaamka ee dalka Maraykanka laantiisa gobolka Minnesota (CAIR-MN) ayaa si adag u cambaareeyay hadallo cunsuriyad ah oo lagu beegsaday Soomaalida ku nool Mareykanka iyo dalka Soomaaliya, kuwaas oo ka soo yeeray madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Trump ayaa sheegay in gobolka Minnesota uu yahay mid u janjeera Soomaaliya, isaga oo sidoo kale ku tilmaamay Soomaaliya "dal qalloocan, dal laga yaqyaqsoodo, kana mid ah dalalka ugu liita dunida.” Wuxuu intaa ku daray hadallo uu ku sheegay in Soomaalida ay yihiin "dad IQ hooseeya” isla markaana xatooyo ku haya dalka Mareykanka.

Muuqaal la baahiyay ayaa muujinaya Trump oo Soomaalida ku tilmaamaya "dad doqon ah” iyo "IQ hooseeya, kuwaas oo noqday hadallo si weyn ula kulmay falcelin iyo cambaareyn.

Ururka CAIR-MN ayaa sheegay in luuqad noocaas ah oo lagu liido qowmiyad iyo dal dhan ay tahay mid halis ah, isla markaana kor u qaadi karta jawi ay Soomaalida Mareykanka ku wajahaan cadaawad iyo takoor sii kordha.

"Ku tilmaamidda dad dhan ‘IQ hooseeya’ ama ‘doqon’ ma aha oo keliya hadal siyaasadeed — waa ka dhigista dadnimadooda mid la liido,” ayuu yiri Jaylani Hussein, agaasimaha fulinta ee CAIR-MN. "Soomaalida Minnesota waa xubno qiimo leh oo ka tirsan bulshada. Waa ganacsato, macallimiin, shaqaale caafimaad, arday iyo adeegayaal dowladeed oo maalin walba ka qeyb qaata horumarka gobolka.”

CAIR-MN ayaa sidoo kale xustay in Minnesota ay hoy u tahay mid ka mid ah bulshooyinka Soomaalida ugu waaweyn ee Mareykanka, isla markaana hadallo lagu beegsado Soomaalida ay horey u horseedeen koror ku yimaada tacaddiyada, hanjabaadaha iyo falalka naceybka ku saleysan ee ka dhanka ah Muslimiinta iyo muhaajiriinta.

"Hadalka ka yimaada hoggaamiyeyaasha qaran wuxuu leeyahay cawaaqib dhab ah,” ayuu yiri Suleiman Adan, ku-xigeenka agaasimaha fulinta ee CAIR-MN. "Marka shaqsiyaad caan ah ay adeegsadaan luuqad ku tilmaamaysa Soomaalida inay ka liitaan dadka kale, waxay halis gelinaysaa qoysas, arday iyo shaqaale dhab ah.”

Ugu dambeyn, CAIR-MN ayaa ugu baaqday mas’uuliyiinta la doortay iyo hoggaamiyeyaasha bulshada ee dalka oo dhan inay si cad u diidaan hadallada ka dhanka ah qowmiyadaha iyo dalalka, isla markaana ay xaqiijiyaan karaamada iyo badbaadada Soomaalida Mareykanka iyo dhammaan bulshooyinka muhaajiriinta.

Golaha Islaamka Maraykanka oo cambaareysay hadallo cunsuriyad ah oo ka soo yeeray Donald Trump oo lagu beegsaday Soomaalida





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip