
Trump oo sheegay inuu mar kale beegsanayo Soomaalida sharci la'aanta ah haddii aan loo fulin dalabkiisa miisaaniyadeed
Donald Trump ayaa ka digay in uu u diri doono ciidamada ICE garoomada diyaaradaha ee Mareykanka, isla markaana ay xiran doonaan ajaanibta sharci-darrada ku jooga dalkaas, haddii Dimuqraadiyiintu aysan oggolaan dalabaadkiisa miisaaniyadeed ee wasaaradda amniga gudaha
"Haddii Dimuqraadiyiinta Bidixda Xagjirka ahi aysan isla markiiba saxiixin heshiis garoomadeenna diyaaradaha, mar kale uga dhigi doona mid xor ah oo ammaan ah, waxaan u wareejin doonaa wakiilladeenna waddaniyiinta ah ee ICE garoomada diyaaradaha, halkaas oo ay ka qaban doonaan sugidda ammaanka si aan hore loo arag, oo ay ku jirto xarigga dhammaan muhaajiriinta sharci-darrada ah ee dalkeenna soo galay, iyadoo culays gaar ah la saarayo kuwa ka yimid Soomaaliya. Waxaan rajeynayaa inaan arko ICE oo ka hawlgasha garoomadeenna diyaaradaha,” ayuu Trump ku qoray bartiisa Truth Social Sabtidii.
Hadallada Trump ayaa imaanaya iyadoo Wasaaradda Amniga Gudaha ee Mareykanka (DHS) aysan helin maalgelin cusub ku dhowaad shan toddobaad.
Ismariwaagaasi ayaa sababay in saraakiisha hay'adda ammaanka safarka garoomada ()TSA ay shaqeeyaan iyagoo aan mushaar helin, taas oo dhalisay yaraanta shaqaalaha iyo safaf dhaadheer oo ka jira garoomada diyaaradaha dalka oo dhan, iyadoo sidoo kale la muujinayo walaac ku saabsan awoodda lagu hortagi karo weerarro.
Jamhuuriyiintu waxay doonayaan in la maalgeliyo wasaaradda amniga gudaha (DHS), halka Dimuqraadiyiintuna ay doonayaan in maalgelin gooni ah loo sameeyo hay’ado sida TSA.
Garoomada waaweyn ee diyaaradaha ee Maraykanka ayaa la kulmay dib-u-dhac aad u daran, iyadoo waqtiga sugitaanka ammaanka uu meelo qaar ka batay 3 saacadood, taas oo ay sabab u tahay maqnaanshaha badan ee saraakiisha TSA. Garoomada ugu daran ee ay arrintani saameysay waxaa ka mid ah Houston (HOU, IAH), Atlanta (ATL), New Orleans (MSY), iyo Philadelphia (PHL).
![]()


0 


Trump oo sheegay inuu mar kale beegsanayo Soomaalida sharci la'aanta ah haddii aan loo fulin dalabkiisa miisaaniyadeed
.