
Sirdoonka Mareykanka oo Congress-ka ku hor beeniyey arrin uu Trump ka sheegay Iran
Hay’adaha sirdoonka Mareykanka ayaa Arbacadii shaaca ka qaaday in Iiraan aysan dib u dhis ku sameyneynin awoodeedii kobcinta Nukliyeerka ee ay horay u burburiyeen Mareykanka iyo Israa’iil sanadkii la soo dhaafay, shaacitsan si toos ah uga hor imaaneysa cudur-daarkii ugu weynaa ee uu Madaxweyne Donald Trump u adeegsaday dagaalka ba’an ee haatan ka socda dalkaas.
Tulsi Gabbard, oo ah saaxiib dhow oo madaxweynaha la leeyahay, haatanna ah Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Mareykanka, ayaa fariimo is-burinaya ka bixisay asalka iyo natiijada dagaalka saddexda toddobaad socda, xilli iyada iyo saraakiil kale ay hortageen Koongareeska Mareykanka. Waxay sidoo kale qiimeyn ku sameysay in hoggaanka Iiraan uu weli yahay mid shaqeynaya inkastoo uu wiiqmay.z
"Natiijadii ka dhalatay Howlgalkii (Operation Midnight Hammer), barnaamijkii kobcinta Nukliyeerka Iiraan gabi ahaanba waa la tirtiray,” ayay Gabbard ku sheegtay markhaati-fur qoran oo ay u gudbisay guddiga sirdoonka ee Aqalka Senate-ka, iyadoo tixraacaysa duqeyntii Mareykanka ee bishii Juun 2025. "Ilaa xilligaas ma jirin wax isku day ah oo lagu doonayay in dib loogu dhiso awooddooda kobcinta,” ayay raacisay.
In kasta oo Gabbard aysan hadalladan ka hor sheegin kaamiradaha warbaahinta, haddana markii uu si adag u weydiiyay mudane ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga, waxay ku andacootay inaysan haysan waqti ku filan oo ay ku akhrido qoraalka oo dhan intii uu socday dhageysiga, balse mayna beeninin xogtaas sirdoon.
Madaxweyne Trump ayaa marar badan ku celceliyay inuu amray weerarka wadajirka ah ee lala beegsaday Iiraan 28-kii bishii Febraayo sababo la xiriira "khatar degdeg ah” oo soo food saartay dalkiisa.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan la-socodka Nukliyeerka iyo inta badan kormeerayaasha madax-bannaan ayaan taageerin sheegashada ah in Iiraan ay qarka u saarneyd sameynta hub Nukliyeer ah, xilli dalkaas uu wada-xaajoodyo la lahaa ergooyinka Trump maalmo uun ka hor inta aan la weerarin.
Agaasimaha hay’adda sirdoonka ee CIA, John Ratcliffe, oo la weydiiyay wada-xaajoodyadaas ayaa mudaneyaasha u sheegay: "Waxay ahayd mid aad u cad in Iiraan, intii ay wada-hadallada ku jirtay, aysan lahayn wax niyad ah oo ay kaga dhabeyso.”
Tulsi Gabbard lafteeda ayaa xilligii ay ahayd xildhibaanad ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga waxay si weyn uga soo horjeedday in dagaal lala galo Iiraan.
Mid ka mid ah la-taliyeyaasheeda ugu sarreeya, Joseph Kent, ayaa Talaadadii iska casilay xilkii Agaasimaha Xarunta Qaranka ee La-dagaallanka Argagixisada, isagoo sheegay in Iiraan aysan ahayn "khatar degdeg ah”, Madaxweyne Trump-na ay marin-habaabiyeen Israa’iil iyo warbaahintu.
Xubnaha Dimoqraadiga ayaa si weyn u weeraray Gabbard, iyagoo ku eedeeyay inaysan keenin wax caddayn ah oo muujinaya in Iiraan ay leedahay khatar ka baxsan tii ay lahayd tan iyo Kacaankii Islaamiga ahaa ee 1979-kii.
Marka la eego xaaladda gudaha Iiraan, Gabbard waxay xustay in nidaamka Tehran uu la kulmay dharbaaxooyin culus intii lagu jiray toddobaadyadii duqeymaha—oo ay ku jirto dilkii Hoggaamiyihii Sare Aayatullaahi Cali Khamenei—balse Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay weli tahay mid shaqeyneysa.
"Bulshada sirdoonka Mareykanku waxay aaminsan tahay in nidaamka Iiraan uu yahay mid taagan, balse si weyn loo naafeeyay awooddiisii maadaama la beegsaday hoggaankiisii iyo awoodihiisii milateri,” ayay tiri Gabbard. Waxay ka digtay in haddii nidaamkani uu badbaado, uu billaabi doono dadaal sanado qaadanaya oo uu dib ugu dhisayo milaterigiisa, gantaalladiisa iyo awooddiisa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
FBI Director Kash Patel, Defense Intelligence Agency (DIA) Director Lt. Gen. James Adams, Director of National Intelligence (DNI) Tulsi Gabbard, Acting National Security Agency Director Lt. Gen. William Hartman and CIA Director John Ratcliffe attend a Senate Intelligence Committee hearing on Capitol Hill in Washington, D.C., U.S., March 18, 2026. REUTERS/Jonathan Ernst


0 




Sirdoonka Mareykanka oo Congress-ka ku hor beeniyey arrin uu Trump ka sheegay Iran
.