
Iiraan oo weerar culus ku qaaday warshadda shidaalka ee ugu weyn Israa'iil
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar gantaallo ah oo Iiraan ku qaaday xarun muhiim ah oo shidaalka lagu sifeeyo oo ku taalla gudaha Israa’iil, gaar ahaan magaalada xeebeedka waqooyi ee Haifa, iyadoo dhacdadan ay si weyn uga hadleen warbaahinta caalamka.
Weerarkan oo lagu beegsaday Xarunta Sifaynta Shidaalka ee ORL (Oil Refineries Ltd), ayey Wasaaradda Tamarta ee Israa’iil sheegtay in uusan jirin "khasaare baaxad leh” oo soo gaaray xaruntaasi, inkastoo uu sababay hakad kooban oo dhinaca adeegyada ah.
Wasiirka Tamarta ee Israa’iil, Eli Cohen, ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi uu sababay in korontadu go’do muddo kooban, balse dib si dhaqso ah loogu soo celiyay inta badan goobihii ay saameysay, taas oo Israa’iil ku muujinayso in nidaamyadeeda muhiimka ahi ay weli shaqeynayaan.
"Soo-gaadhista burburka ee shabakadda korontada ee waqooyiga waa mid ku eg meel gaar ah oo aan ballaarneyn,” ayuu yiri wasiirka, isagoo intaas ku daray in weerarro isdaba joog ah oo lagu qaaday waqooyiga dalka aysan waxyeello muuqata gaarsiin kaabayaasha aasaasiga ah.
Booliska Israa’iil ayaa dhankooda sheegay in kooxaha ku shaqada leh ka-takhalusidda walxaha qarxa la geeyay goobo dhowr ah oo ka tirsan Haifa, halkaas oo ay ku dhaceen haraadiga gantaallada, si loo xaqiijiyo badbaadada shacabka loona baaro wax kasta oo khatar ah.
Ilaa hadda, lama soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarkaasi, taas oo yareysay cabsi hor leh oo laga qabay in xaaladdu isu beddesho mid aad u halis badan.
Dhanka kale, Wasaaradda Ilaalinta Deegaanka ee Israa’iil ayaa sheegtay in firir ka dhashay gantaal hawada lagu burburiyay uu ku soo dhacay gudaha Haifa, iyadoo hadda uu socdo baaritaan lagu ogaanayo in ay jireen walxo khatar ah oo deegaanka wax u dhimi kara.
Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Iiraan iyo Israa’iil, gaar ahaan kadib weerarro hore oo lagu beegsaday xarumo muhiim ah oo la xiriira tamarta.
Si kastaba, arrimahan ayaa sii xoojinaya walaaca laga qabo in xaaladda gobolka Bariga Dhexe ay u gudubto heer ka sii khatar badan, iyadoo beesha caalamka ay si dhow ula socoto tallaabooyinka xiga ee ay qaadi karaan labada dhinac.



0 



Iiraan oo weerar culus ku qaaday warshadda shidaalka ee ugu weyn Israa'iil
.