Xildhibaan Odowaa oo qorsheynaya inuu u tartamo xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2026

0
Thursday March 19, 2026 - 14:38:40 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 58
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Odowaa oo qorsheynaya inuu u tartamo xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2026

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
Xog rasmi ah oo ay heshay warbaahinta Risaala ayaa sheegaysa in Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa), oo horey u soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, ahna xoghaya Xisbiga madaxweyne xasan Sheekh ee JSP uu muujiyay rabitaankiisa ku aaddan inuu u tartamo jagada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 2026.

 

Cabdiraxmaan Odowaa ayaa lagu yaqaanaa waayo-aragnimo siyaasadeed oo ballaaran, gaar ahaan xilkii uu ka soo qabtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, taas oo siisay faham qoto dheer oo ku saabsan maamulka iyo dib-u-heshiisiinta bulshada.

 

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in uu jiro dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira suurtagalnimada musharaxnimadiisa, inkasta oo uusan weli si rasmi ah ugu dhawaaqin tartanka.

 

Xildhibaan Odawaa oo ka mid ah saaxiibada madaxweyne Xasan Sheekh ayaan wax xil ah ka qaban dowladiisa mudda xileedkiisa labad ee gaba gabada ah.

xigasho:-radiorisaala.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip