
Iiraan oo maanta gantaal ku weerartay Turkey iyo Ankara oo…
Wasaaradda Difaaca Qaranka ee Turkiga ayaa sheegtay in nidaamka difaaca cirka ee NATO uu ka hortagay oo hawada ku burburiyay gantaal baalistik ah oo laga soo riday Iiraan, kuna wajahnaa dalkooda.
Arrintan ayaa imanaysa xilli cabsida laga qabo in dagaalka u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil, iyo Iiraan uu ku fido gobolka intiisa kale ay sii kordhayso.
Wasaaraddu waxay bayaan ay soo saartay ku sheegtay in gantaalkan hawada lagu burburiyay, xilli uu dulmarayay degmada Sahinbey ee gobolka Gaziantep oo ku yaalla koonfurta Turkiga. Lama soo sheegin wax khasaare nafeed ama hantiyeed ah oo ka dhashay dhacdadan.
"Ankara waxay si adag u caddeynaysaa awooddeeda iyo sida ay uga go’an tahay ilaalinta hawada qarankeeda iyo amniga xuduudaheeda, iyadoo dhinaca kalena ka digaysa in la huriyo xaaladda gobolka oo markeedii horeba kacsanayd,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.
Wasaaradda Difaaca ayaa sidoo kale hanjabaad adag u dirtay Iiraan, iyadoo si cad u sheegtay in tallaabo kasta oo ka dhan ah dalkeeda ay ka jawaabi doonto.
Waxay sidoo kale ugu baaqday dhammaan dhinacyada isku haya gobolka, gaar ahaan xukuumadda Tehraan, "in ay ka waantoobaan tallaabooyin kasta oo halis gelin kara dadka rayidka ah ama waxyeeleyn kara xasilloonida gobolka.”
Mowjadaha weerarrada iyo gantaalaha Iiraan
Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maxalliga ah, dhacdadan ayaa ahayd markii labaad ee gantaal baalistik ah oo laga riday Iiraan lagu soo rido dhinaca Turkiga, tan iyo markii Maraykanka iyo Israa’iil ay dagaal ballaaran ku qaadeen Iiraan 28-kii bishii Febraayo.
Weerarrada joogtada ah ee Maraykanka iyo Israa’iil ayaa dhaliyay in Iiraan ay fuliso mowjado aargoosi ah oo isugu jira gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), kuwaas oo ay la beegsatay guud ahaan gobolka, waxaana ka mid ah bartilmaameedyo ku yaalla waddamada Carabta ee Khaliijka.
Ilaa hadda, xukuumadda Iiraan kama soo saarin war degdeg ah bayaanka Wasaaradda Difaaca Turkiga.
Mowqifka gaashaanbuurta NATO
Afhayeenka NATO, Allison Hart ayaa xaqiijisay in gaashaanbuurtu ay soo riday "gantaal ku wajahnayd Turkiga”.
"NATO waxay si adag u taagan tahay diyaar-garowgeeda buuxa ee ku aaddan in ay ka difaacdo dhammaan xulafadeeda khatar kasta oo soo food saarta,” ayay Hart ku tiri qoraal ay soo dhigtay barteeda xiriirka bulshada ee X.
Dhanka kale, Iiraan ayaa beenisay in ay gantaal baalistik ah ku riday Turkiga maalintii Arbacada, kadib markii mas’uuliyiinta Turkigu ay sheegeen in difaaca cirka ee NATO uu soo riday walax qarax ah xilli ay dul mareysay Bariga Badda Dhexe (Eastern Mediterranean).
NATO ayaa si kulul u cambaareysay riditaanka gantaalkaas, waxayna shaacisay in ay "si buuxda u garab taagan tahay” dowladda Turkiga.
"Tani waa caddayn la taaban karo oo muujinaysa awoodda Gaashaanbuurta u leedahay difaacida shucuubteeda iyo ka hortagga dhammaan khataraha jira, oo ay ku jiraan kuwa ka dhasha gantaalada baalistikada ah,” ayaa lagu yiri war rasmi ah oo NATO ka soo baxay.
Qodobka 5-aad ee Axdiga Waqooyiga Atlaantigga (North Atlantic Treaty) ayaa si cad u dhigaya in weerar kasta oo lagu qaado dal xubin ka ah NATO loo aqoonsan doono weerar wadar ahaan lagu qaaday dhammaan xulafada. Sidoo kale, wuxuu ku waajibinayaa dal kasta oo xubin ah in uu qaado tallaabada loo arko in ay lagama maarmaan tahay "si loo soo celiyo loona xaqiijiyo” amniga gaashaanbuurta.
Waraysi uu siiyay wakaaladda wararka ee Reuters usbuucii hore, markii la soo riday gantaalkii ugu horreeyay ee ku wajahnayd Turkiga, ayuu Xoghayaha Guud ee NATO, Mark Rutte, ku sheegay in aan weli laga wada hadlin suurtagalnimada dhaqangelinta Qodobka 5-aad.
Xeeladda dagaalka Iiraan
Mas’uuliyiinta Iiraan ayaa ku dooday in gantaaladoodu ay u badan yihiin kuwa lagu garaacayo saldhigyada millatari ee Maraykanka iyo bartilmaameedyada kale ee xiriirka la leh Maraykanka iyo Israa’iil ee guud ahaan gobolka, tallaabadaas oo ay ku tilmaameen is-difaacid. Balse khubarada ayaa sheegaya in la beegsaday kaabayaasha muhiimka ah ee dadka rayidka ah.
"Bartilmaameedyada Iiraan ma aha oo kaliya saldhigyada Maraykanka; dhab ahaantii, waxay si weyn u beegsanayaan kaabayaasha dhaqaalaha ee baaxadda leh iyo goobaha ay ku badan yihiin rayidka,” ayuu yiri Rob Geist Pinfold, oo ah macallin dhiga cilmiga difaaca (defence studies) ee Jaamacadda King’s College London.
"Tani ma aha qalad dhacay. Waa qorshe si taxaddar leh loo dejiyay,” ayuu Pinfold u sheegay shabakadda wararka ee Al Jazeera, isagoo ku macneeyay in Tihraan ay doonayso in ay "abuurto fowdadii ugu xumayd ee suurtogalka ah si ay qalalaase u geliso xasilloonida gobolka iyo suuqyada caalamka,” taas oo ah isku day ay ku doonayso in ay ku qasabto Washington in ay faraha kala baxdo dagaalka.
"Waxaan aragnay in Iiraan ay beegsanayso dal kasta oo ka tirsan Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC). Waxay diyaar u tahay in ay gubto dhammaan buundooyinkii xiriirka waddamadaas si ay u hirgeliso istaraatiijiyadan hubanti la’aanta iyo khatarta badan xambaarsan,” ayuu raaciyay.
"Tani waxay si dhab ah kuu tusaysaa sida Iiraan ay u dareemayso in ay wajaheyso khatar soo afjari karta jiritaankeeda. Iyaga marka laga eego, marxaladdani waa mid u taagan geeri ama nolol.”


0 




Iiraan oo maanta gantaal ku weerartay Turkey iyo Ankara oo…
,