
Muxuu Trump ka yiri xilka loo dhiibay Mojtaba Khamenei?
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa markii ugu horreysay si kooban uga falceliyay magacaabista Mojtaba Khamenei inuu noqdo Hoggaamiyaha Sare ee cusub ee Iiraan.
Wariye sare oo ka tirsan shabakadda wararka ee Fox News ayaa sheegay in Madaxweynaha Mareykanka uu u xaqiijiyay, "Kuma faraxsani arrintan.” Iiraan ayaa dhowaan Mojtaba Khamenei u magacowday hoggaamiyahooda sare.
Trump ayaa sidoo kale si dadban u sheegay in ay xirmeen albaabbada wada-hadalka Iiraan, maadaama hoggaamiyaha cusub ee la magacaabay uu dareensan yahay xaalad kasta oo dalkiisa wajahayo iyo xusuusta in uu ku hayo dilka aabbihiis.
Waxa uu xusay inuusan ku faraxsanayn sida ay u dhacday doorashada ka dhacday Iiraan oo ugu dambayn lagu caleemo-saaray Mojtaba Cali Khamenei, oo 54 jir ah, isla markaana si dhow uga soo dhex shaqeeyay Ciidanka Ilaalada Kacaanka.
Sidoo kale, Trump ayaa hoosta ka xariiqay in go’aanka lagu soo afjarayo dagaalka Iiraan uu noqon doono mid "wadajir ah” oo isaga iyo Netanyahu ay iska kaashan doonaan.
Israa’iil ayaa dhankeeda ka digtay in hoggaamiyaha cusub uu noqon karo "bartilmaameed”, iyadoo uu sii xoogeysanayo khilaafka iyo dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan.
Muxuu Trump horey uga yiri doorashada hoggaamiyaha sare ee Iiraan?
Arrintan ayaa ku soo aadeysa xilli Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ka hor inta aan lagu dhawaaqin magacaabista uu si adag u sheegay inuu isagu talo iyo door ku yeesho magacaabista hoggaamiyaha cusub ee Iiraan.
Isagoo wareysi siinayay telefishinka ABC News, Trump ayaa yiri: "Waa inuu oggolaansho naga helaa… Haddii uusan oggolaansho naga helin, ma waari doono waqti dheer. Waxaan dooneynaa inaan hubinno inaanan dib ugu laaban xaaladdan 10-kii sanaba mar, marka aadan haysan madaxweyne aniga oo kale ah oo aan u dulqaadan doonin arrintaas.”
Wuxuu intaas raaciyay: "Ma doonayo in dadku ay dib ugu laabtaan shan sano kadib, oo ay ku qasbanaadaan inay isla shaqadan markale qabtaan, ama mid ka sii daran oo ah in loo oggolaado inay yeeshaan hub nukliyeer ah.”
Markii la weydiiyay inuu diyaar u yahay inuu aqbalo shaqsi xiriir la leh nidaamkii hore ee Iiraan, Trump ayaa ku jawaabay: "Haa, si loo doorto hoggaamiye wanaagsan waan sameyn lahaa, haa waan sameyn lahaa. Waxaa jira dad badan oo buuxin kara shuruudahaas.”
Si kastaba, tallaabada uu qaaday Golaha Khubarada Iiraan ayaa si weyn u sii xoojinaysa awoodda garabka mayalka adag ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah.
Mojtaba ayaa ah wadaad diinta ku adag iyo shaqsi awood badan oo daaha gadaashiisa wax ka maamula, isagoo xiriir qotodheer la leh Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC).
Magacaabistiisa oo timid kadib markii aabbihiis Aayatullaahi Cali Khamenei lagu dilay duqeyntii wadajirka ahayd, ayaa si cad u muujinaysa in garabka mayalka adag ay weli si buuxda gacanta ugu hayaan talada dalka.
Xubin ka tirsan Golaha Khubarada oo lagu magacaabo Aayatullaahi Mohsen Heidari Alekasir ayaa xusay in wadaadkan lagu doortay dardaaran uu ka tagay aabbihiis, oo ahaa in la doorto beddel "uu cadowgu neceb yahay.”
Go’aankan ayaa si toos ah uga hor-imaanaya Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo asagu dhawaan ku tilmaamay magacaabista Mojtaba mid aan la aqbali karin.
Mojtaba oo sanadkii 1969-kii ku dhashay magaalada barakeysan ee Mashhad, ayaa ka soo qayb-qaatay dagaalkii Iiraan iyo Ciraaq, wuxuuna waxbarasho diini ah ku qaatay xarumaha diinta ee magaalada Qom.
In kasta oo uu haysto darajada wadaadnimo ee heerka dhexe ee loo yaqaan Hojjatoleslam — oo hal darajo ka hooseysa Aayatullaahi — weligiisna uusan qaban xil dowladeed oo rasmi ah, haddana wuxuu sanadihii lasoo dhaafay isku duba-riday awood baaxad leh, isagoo ahaa gacan-yare iyo "irid-ilaaliye” awoodda aabbihiis.

U.S. President Donald Trump speaks during a joint press conference with Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu (not pictured) in the State Dining Room at the White House in Washington, D.C., U.S., September 29, 2025. REUTERS/Jonathan Ernst


0 



Muxuu Trump ka yiri xilka loo dhiibay Mojtaba Khamenei?
.